Maanta oo Jimce ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 1/4/16 waxaa magaalada Riyaad ee Caasimada Wadanka Boqortooyada Sucuudiga ka qabsoomay shirkii caadiga ahaa ee Faraca Horseed ee katirsan Jaaliyada Ogadenia ee wadanka sucuudiga.

Shirka oo ahaa shirkii caadiga ayaa si habsami ah u qabsoomay waxaana kasoo qayb galay inta badan xubnaha Faraca Horseed iyo taageerayaasha halganka ee ku dhaqan magaalada.

Shirka ayaa sidii caadada ahayd waxaa lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soojeediyey Sh Xasan Nuur wuxuuna sheekhu carabka ku adkeeyay sida qofkasta oo Ogadeniyaan ah ay waa jib ugu tahay in uu diintiisa iyo naftiisaba kadifaaco gaalada madow ee kusoo duushay waxaana wacdi sheekha dhago furan ku dhagaystay qaybaha kala duwan ee bulshada Ogadenia ee shirka fadhiyay.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay masuuliyiinta faraca Horseed oo bulshada usoo bandhigay warbixino dhinacyo badan taabanayay bulshadu na ay sugaysay.

Waxaa dhankooda hadalka qaatay xubnihii shirka fadhiyay oo soo dhaweeyay dhamaan khudbadihii masuuliyiinta waxayna xubnuhu isku waafaqeen in ay lagama maarmaan tahay in ladifaaco diinta, dadka iyo dalka.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa shirka kasoo baxay qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin sidii looga faa’iidaysan lahaa isbahaysiga cusub ee PAFD si heeryada gumaysiga umada looga dulqaado iyo in ay dhalintu iska xaadiriso gudaha wadanka ogadenia.

Cube
ONA Riyaad.

image image image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay