Masuuliinta caafimaadka ee dalka Liberia ayaa sheegaya in qof dumar ah ay u dhimatay cudurka Ebola, bil kaddib markii cudurkaasi la sheegay inuu ka dhammaaday dalkaasi. Haweeneydaasi oo 30 jir ahayd ayaa ku dhimatay isbitaal ku yaala deegaan katirsan magaalo madaxda dalkaasi ee Monrovia, ooy ku noolyihiin dad aad u tiro badan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee loo yaqaano (WHO) ayaa xaqiijisay in haweeneydaasi ay u dhimatay cudurka Ebola, haatanna baadhitaan uu socdo. Bilood kahor ayay ahayd markii dalkaasi lagu dhawaaqay in cudurka Ebola uu ka dhamaaday balse waxaa jiray dad uu cudurkaasi ku soo ritay gobolka.

Dalka deriska ah Liberia ee Guinea ayaa usbuucyadii lasoo dhaafay lagu arkay dhowr qof oo la xanuunsan cudurkaasi. In kabadan 11,300 oo qof ayaa u dhintay cudurka Ebola labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaana dhammaantood dadkaasi ay ku kala dhinteen waddamada Liberia, Sierra Leone iyo Guinea.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay