Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee loo yaqaano Amnesty International ayaa sheegtay in Turkiga uu kummanaan qaxooti Suuriya ah uu ku khasbay in ay dib dalkooda ugu laabtaan, arrintaasi oo meel ka dhac ku ah qanuunka caalamiga ah ee quxuuqda aadamaha.

Cilmibaadhayaal ka tirsan hay’addani oo ku sugan koonfurta dalka Turkiga ayaa sheegay in dalkaasi Turkiga laga masaafuriyo maalin kasta ku dhawaad 100 qof oo uu dhashay dalka Suuriya tan iyo badhtamihii bishii 1aad ee sanadkan 2016.

Midowga Yurub ayaa dhawaan heshiis kula galay Turkiga in qaxootiga Suuriya ee gaadhay jaziiradaha Giriigga dib loogu celiyo Turkiga. Balse Amnesty International waxay sheegaysaa in warbixinadeeda ay muujinayaan in Turkiga uusan ahayn waddan ay ku badbaadayaan qaxootiga u dhashay dalka Suuriya. Dowladda Turkiga ayaa beenisay in ay dad qaxooti ah ay xoog ugu celisay wadanka Suuriya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay