Wadanka Faransiiska ayaa ballan qaaday inay faah faahin buuxda ka bixiso eedaymaha loosoo jeediyay ciidamada nabad ilaalinta ee ka jooga Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe in ay faraxumeeyeen gabdho yar yar oo u dhashay wadankaas.

Masuuliinta hay’adda xuquuqal insaanka ee Qaramada Midoobay (QM) ayaa ku tilmaamay eedaymahan u dambeeyay wax laga murogoodo. Eedaymahan waxa kamid ah in taliye ciidamada Faransiiska ka tirsani khasab iskugu geeyay gabdho yaryar iyo xawayaan.

Danjiraha wadanka Afrikada Dhexe u fadhiya QM ayaa ku sheegay eedaymahan in ay yidhiin wax aad u foolxun, waxaanu sheegay in dacwad qoraal ah loo gudbiyay dacwad oogayaasha Faransiiska ah ee baadhaya arrintan lagu soo eedeeyay Ciidanka Faransiiska.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay