Wasaarada Difaaca ee Maraykanka ayaa xaqiijisay in Xassan Cali Dhoore oo ka tirsanaa hogaanka kooxda Al Shabaab ay la beegsadeen duqeyn diyaaradaha Drone ka ah loo adeegsaday, weerarkaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Jilib ee gobalka Jubbada Dhexe.

Maraykanka ayaa sheegay inuu hada wado baadhitaan ay ku doonayaan inay si buuxda ugu xaqiijiyaan in ninkaasi uu ku dhintay duqayntii lala beegsaday. Xassan Cali Dhoore ayaa la sheegaa inuu madax u ahaa kooxda weerarada soo abaabula, isagoona si toos ah loola xidhiidhinayo weeraradii lagu qaaday Xalane iyo hotel Makah Al Mukaramah ee sanadihii 2014 iyo 2015. Waxaana la rumeysan yahay in ninkan uu qayb wayn ku lahaa weeraradii sanadkan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Peter Cook oo ah Afhayeenka Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa sheegay in ka takhalusida ninkan ay dhaawac weyn u keenayso awooda kooxda Al Shabaab ay u leedahay abaabulka weerarada ka dhaca gudaha iyo dibada Soomaaliya. Wuxuuna ku tilmaamay hogaamiyahan nin sidoo kale ka shaqayn jiray xidhiidhka sare ee u dhaxeeya Al Shabaab iyo shabakada Al Qacida.

Duqeynta lala beegsaday Xassan Cali Dhoore iyo sadex qof oo kaloo la socday ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel 35km dhanka koonfur uga beegan magaalada Jilib oo hada kamid ah saldhigyada ugu muhiimsan ee kooxda Al Shabaab.

Dowlada Maraykanka ayaa si joogto ah u baadhaysa xogta hogaamiyayaasha Al Shabaab oo iyagu kujira dhuumaaleysi, isla markaana mar walba ooy fursad u helaan inay ogaadaan dhaq dhaqaaqa xubnahaasi u adeegsada duqeynmo, iyagoo la sheegay inay xogta muhiimka ah ka helaan isla gudaha kooxda AL Shabaab.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay