Dagaal culus ayaa dhex maray ciidammada waddanka Azerbayjan iyo kuwa gooni u goosadka ee gobolka Nagorno Karabakh. Azerbayjan ayaa sheegtay in ciidammadeeda qalabka sida ay ka jawaabeen weerar loo adeegsaday hubka darandooriga u dhaca iyo bambooyin oo kaga yimid kooxda Karabakh ooy taageerto dowladda Armenia.

Hasayeeshee dowladda Armenia ayaa dhankeeda gaashaanka ku dhufatay eedaynta Azerbayjan , iyadoo sheegtay in ay Jimcihii weerar ballaadhan kusoo qaadday iyadoo adeegsanaysa taangiyo, madaafiic iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca. Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo xabbadda.

Gobolka Nagorno Karabakh, waxa uu ku dhexyaal dalka Azerbayjan, hasayeeshee baarlamaankiisa ayaa u codeeyay inay ku biiraan Armenia, markii uu burburay Midowgii Soofiyeet ku. Xabbad joojin ayaa lagu heshiiyay sanadkii 1994 si loo soo afjaro dagaalka.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay