4-qof oo u dhashay dalka Maleeshiya ayaa laga qafaashay biyaha u dhaxeeya Maleeshiya iyo Filibiin, halkaasoo caan ku ah hawlgalalda kooxo islaamiyiin ah. Dadkani ayaa lagu soo waramayaa in ay halkaasi ka qafaasheen rag dabley ah.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa koox islaami ah oo ka dhisan dalka Filibiin oo lagu magacaabo Abuu Sayaaf waxay isla deegaankaasi ka qafaasheen toban qof oo reer Induniisiya ah oo ka shaqeeya doon lagu jiido doomaha ay cilladda ku qabsatay badda dhexdeeda.

Kooxdaasi ayaa dalbatay lacago madaxfurasho ah si ay u sii daayaan dadka u qafaalan. Booliska ayaa baadhaya in afduubkaasi uu ka dhacay gudaha biyaha badda Induniisiya iyo in kale.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay