15/10/2011 Maalinimada Sabtida abbaarihihi 1 Duhurnimo waxa ka bilowday shir aad u heersareeya oo looga hadlay arrimaha Xuquuql insaanka Ogadeniya iyo Guud Ahaan tacadiyada ay taliska TPLF u geystaan Shucuubta Ethiopia. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee UK ayaa waxa kasoo qeyb galay guud ahaan shucuuubta ku hoos nool taliska qalafsan ee Ethiopia.

Shirkan oo meeqaankisu ahaa mid aad u sareeya ayaa waxa kasoo qeyb galay Wariyihii soo duubay warbixinti BBC News night oo lagu magacabo Angus Stickler’s, Waxaa kale oo kasoo qeybgalay, Aqoonyahan aad ugu magacdheer Afrika oo ah cilmi baadhe dhanka saxafada ah oo lagu magacabo Vincet una dhashay wadanka Uganda oo isagu ahaa shirgudoonka shirka. Waxa kale oo shirkan kasoo qeyb galay Cllr. Mushtaq Lasharie oo ah Gudomiyaha “Third World Solidarity” oo fadhigisu yahay guriga baarlamaanka UK. Shirkan ayaa waxa kale oo ka hadlay kana mid ahaa xubnihi qeybta weyn ka qaatay qabanqaabada shirka Dr Trevor oo ah nin ka hadla arrimaha xuquuql insaanka Ethiopia.

Hadaba shirkan oo su’alo iyo talooyin badan lasoo jeediyay ayaa waxa shirka furay Xoghayaha Jaaliyada Ogadeniya ee Manchester mudane Cabdi Gure oo ku soo dhaweyay shirka Mushtaq Lasharie, Gudomiyaha ururka third world solidarity ayaa ka warbixiyay sida uu ugu faraxsanyahay innuu kasoo qeyb galo shir ay isugu yimaaden jaaliyada somalida Ogadeniya iyo shucuubta kale ee Ethiopia. Waana mid loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii loo soo bandhigi laha arrimaha xuquuql insaan ee Ethiopia.

Warbixino Goos Goos ahaa oo ay soo bandhigen gudida shirka iyo muuqaaladi BBC newsnight oo uu ka warbixiyay Mudane Angus Stickler. Warbixinahas marti sharafta kadib waxa shirka guddonkisa qabtay aqqoonyahanka ree Uganda ee Vincet kaas oo si qurux badan u daadihiyay shirka. waxana laguda galay wajigi labaad ee shirka oo ahaa Su’alo iyo talooyin loo soo bandhigay wariyaha BBC Newsnight mudane Angus.

Kowsar Cumsan badal ayaa waxa ay weydisay mudane Angus innuu kawarbixiyo Sababta ay Dowlada UK uga gaabsanayso inay baadhitaan kusameyso lacagaha faraha badan ee dowladan UK siiyo Ethiopia. Hadiba ay lacag sinayaan maxay dhib u tahay in la ogado lacagta meesha ay marayso iyo inay gaadheyso cidi loogu talo galay!

Angus ayaa ku dheeraday su’a shaas waxa uuna yiri waa mida aan ku cadaadinayno dowladan UK, haddi malaayiin ama ka badanba aad bixinayso waxa qasab ah inaad oggaato meesha ay tagayso. warbixinti aan soo sameynay waxa ay aheyd mid aan ku tusnay in lacagaha si qaldan loo isticmaalo. Waxa aan soo duubnay 20 saac  oo filim ah oo aan ku cadeynayno tacadiga ay dowlada Ethiopia ku heyso dadka ree Ethiopia balse waxase aan soo deynay oo laga dawaday BBC News night 17 daqiiqo kaliya oo filimkaas ah.

Angus oo hadalkisa sii wata waxa uu yiri anagu sidayadaba ma nihin Urur Siyaasi ah, ama haayad u dooda oo abaabul (campaign) sameysa waxa aan nahay media Markii aan tagaynay Ethiopia manaanu iska tagin kaliya ee waxa aan sii aruursanay maclumaad warar badan ayaa sii daraasadaynay, wararkayaga maanaanu ka helin kaliya Dowlada Ethiopia ama mucaaradkeeda ay ku eedeynayso inay yihiin argagaxiso. Waxa aan maclumaad ka helnay warbixinaha hayadaha madaxa banaan ay sameyeen sidoo kale Dowladaha EU ama Dowlada Mareykanka. Kadib anaga oo heysana xog badan ayaan abbaarnay goobti dhibatada ka jirtay cadeymo dhab ah oo laga doodi karina waanu ka keenay.

Angus waxa kale uu ka hadlay In dowlada Ethioipia u ogoleyn wariyaasha inay galaan Ethiopia aad ayayna uga xumaadeen warbixintayadi maadama ay xaqiiq jirta aheyd. Hadda waxa tusaale idiinku filan wariyaasha Swedene Ethiopia u xidhan. Waxa ay ku edeyeen inay yihiin argagaxiso oo xataa Zenawi   waa kii sheegay inay argagaxiso yihiin wariyaashi. Waxay cadeyn uga dhigeen inay qori  heysteen. Aniga laftigayga waxa marar badan aan kasoo waramay dhul daggaalo iyo khilaaf ka jiro. Qorina waan taabtay balse micnaheedu maahan hadaad qori kor u qaado inaad ridayso oo qof kale ku ridayso.  Angus waxa uu muujiyay inuu aad uga xunyahay xaalada wariyaasha Sweden ee dowlada Ethiopia u xidhan.

Shirkan oo su alo badan laweydiyay Angus ayaa waxa kamid aheyd su alihi xiisaha badna ee laweydiyay sababta ay qadiyada Ogadeniya u soo gali weydey warbaanihinta caalamka. Arintaas waxa Angus uu kaga jawaabay waa adag tahay in warbaahinta ay gasho dhulkaas Ogadeniya waxa aan ogahay hada warbaahin badan oo caalami ah oo xiiseynaysa inay gasho oo kaso waranto Ogadeniya. Waxa jira channel4, CNN, iyo kuwo kale oo badna oo uu magac dhabay dhamaantood dib ayay u hakiyeen ayuu yiri inay aadan ethiopia waayo lacag badan ayay u baahantahay waxa kale oo jirta amaankooda oo halis ah. Midda kale waqtigan waxa warbaahinta caalamka liiskooda ka buuxa Iraq, afganistan iyo dabeysha ka socota Carabta. Lakiin waxa aan ku dadaaleyna oo ku howlanahay sidii wajigi labaad loo guda gali lahaa loona jabin laha caqabadaas jirta. Waxa dowladan UK aan ka wadnaa cadaadis anaga oo isticmaaleyna qodobka Freedom of information ee laga hirgaliyay UK.

Shirkan ayaa waxa aad loogu mahadnaqay Angus, Waxana lagu dhiiri galliyay innuu sii xoojiyo dadaalkisa.

Haweenka somalida Ogadeniya oo ahaa tiradi ugu badneyd ee shirka kasoo qeyb gasha ayaa waxa markii ugu horeysay aan ku arkay shirka in haween badan oo somalida Ogadeniya ahi ka hadlaan oo ama su’alo weydiyaan angus ama ay talooyin iyo dhiiri galin u soo jeediyaan.

Waxana kamid aheyd dadki ka hadlay shirka Xoghayaha Ururuka Haweenka Ogadeniya Marwo Ruqiya oo ku sheegtay kaligi Taliye Zenawi innuusan aheyn nin aqli leh sida dad sheegaan, waxay tiri waa nin dulli ah oo ku caan noqday kubsiga haweenka. Anigu muddo dheer dhulkayga hooyo ee Ogadeniya ma tagin. Waayo ayay tiri maahan inaasan  awodin tigidh. Waa la idili walibana inta aan la idilin waa la i kufsan, sida ku dhacda dadkeyga ree Ogadeniya. Waxa ay tiri waxase jira dad qaldan oo aminsan in Zenawi lala hadli karo oo nin Xus ku jiro yahay, kuwaas hadeysan jiri laheyn males Zenawi dadkayaga ma guumeysteen.

Waxa kale oo ka hadashay Gabadh ree Ogadeniya ah oo u sheegtay Angus inay aad ugu faraxsantahay warbixinta uu kaso diyraiyay Ogadeniya iyo Guud ahaanba Ethiopia. Kolay waa shaqadadi ayay ku tiri balse shaqo fiican ayay aheyd waana marki ugu horeysay ee warbixin noocaas oo kale ah laga so diyariyo Ogadeniya. aad ayaan kuugu mahad naqaya.  Haddaan nahay Shacabka  Ogadeniya ma hadli karno si xor ah haddii aan xattaa Joogno Europe. Waayo dadkayaga ku nool Ogadeniya hooyooyinkano, abbayashano iyo eheladayada ayaa la dilaya. Balse anigu waan hadlaya waayo kolay waan dhimanayna, waxana diyaar u ahay inaan u dhinto dadkayga iyo dalkayga.

Ereyada gabadhan u dhalatay Ogadeniya oo aad u qiiro galiyay Gudoonka shirka oo ahaa isagu nin u dhashay Uganda ayaa ilmo kusoo istaagtay waxa uuna sheegay Mudane Vincet innuu aad uga qiirooday hadalada gabadha. anigu waxa aan u dhashay wadanka Uganda, waxa aan soo marnay dictataro badan oo uu  kamid yahay Eidamiin iyo kuwo kaleba, hadiyo jeer waxa aad arkeysa dad kala qeybsan oo qaarkood u arkaan kaligood taliyasha inay yihiin dad saxan balse waa inaan u midowna. Marka aad aragto qof dhahahaya aniga dadkeyga waa u dhimanaya dhiiga ayaa ku kacaya waadna qiironaysa waana arrinta loo baahanyahay.

Sidoo kale Vincet ayaa ka jawaabay su’al laga weydiyay Madaxda Afrika sababta ay uga hadli la’yihiin Xasuuqa Ogadeniya. Vincet waxa uu ku jawabay Tuugo weyaan madaxda Afrika, marka dad dulmi ku dhisan wax inaan weydisano maahan iskana illaawa kuwaas inay wax inoo qabanayaan. hadii ay wax kaqaban waayaan arrinta Ogadeniya waa in sida Carabta aan wadankasta ka kicina oo dad xor ah aan doorana oo u istaagi kara sharafta Afrikaanka. Markaas ayaan helayna madax ina matasha. Vincet ayaa hadalkisi si raciyay inusan rabin in siyaasada uu sii dhextibaaxo.

Ugu danbeynti waxa shirka soo istaagay Dr Trevor oo u mahad naqay Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee UK oo sheegay inay shirkan iyagu soo qaban qaabiyeen lacagtana ay bixiyeen islamarkaasna ka codsaday dadki kaso qeyb galay in lagala qeyb qaato oo ugu yaraan qeyb loo celiyo dhaqalihi shirka ku baxay. Dr Trefor ayaa waxa kale oo ka hadlay sida wanaagsan ee shirka looga soo qeyb galay iyo martida shirka ka hadashay ee sharaftay shirka.

Dr Trevor ayaa hadalo kooban kadib waxa uu daaray Filim ay soo diyaarisay Kowsar Cusman Badal oo laga soo diyariyay Ogadeniya. Filimkan oo ahaa mid aad uga muuqdo tacadi badan oo loo geystay dil, kufsi ciqaab ayaa shacabki wajigooda badalay aadna waa looga qiroday.

Dr trevor ayaa waxa filimka kadib uu u balan qaaday dadkii kasoo qeyb galay shirka in laqaban doono shirara badan oo kan kasii waaweyn oo dhici donaan December iyo January laguna qaban doono guriga baarlamaanka iyo Xarumaha Amnetsty international. Waxana lagu balamay inlasii xoojiyo shirarka noocan oo kale ah ee iskaashiga ah.

Warbixintan filimkan oo maqal iyo muuqaal ah dib kala socda:

 

 ONA

 
 

1 Comment

  1. abu cabdiraxmaan says:

    Salaam .. waxaan leeyahay walaalahay guusha Ilaahay ha’idin siiyo. Qofkasta oo umadaa halgamaysa dambi ka gala ama ha ahaado gaal ama mid muslim sheeganaya Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu ciqaabta uu mudan yahay ifka ku tuso. aamiin.

    abu-cabdiraxmaan.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay