Masuuliyiinta garoonka Brussels waxay sheegeen in saddex diyaaradood ay ka kici doonaan garoonka ooy aadi doonaan saddex goobood oo qaaradda Yurub ku yaala.

Garoonka Zeventem diyaaraddo rakaab ah kama soo dagin tan iyo markii la weeraray qaybta dadka dhoofaya ee garoonka, weerarkaas waxaa sheegtay kooxda isugu yeedha Dawladda Islaamka ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya. Weerarada lagu qaaday garoonka diyaaradda iyo goobta tareenka dhulka hoostiisa mara laga raaco ayaa sababtay geerida 32 ruux.

Arrin kaloo soo korodhay ayaa ah in dawladda Belgium ay maxkamad saartay qofkii saddexaad ee laga shakisanyahay oo magaciisa lagu sheegay Y A, oo kali ah, waxaana loo haystaa ku luglahaanshaha weerar argagixiso ah oo la qorshaynayay in lagu qaado Faransiiska.

Arrintani waxay imanaysaa iyadoo 24-kii bishii saddexaad Paris lagu xidhay nin Faransiis ah oo la yiraahdo Reda Kriket.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay