Hay’adda xuquuqda aadamaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dawladda Suuriya aysan ka dhabaynin ballanqaadkeedii ahaa inay ogolaan doonto in gargaraka Qaramada Midoobay (QM) la gaadhsiiyo magaalooyinka la haysto ee dalkaas.

Human Rights Watch ayaa xustay magaalooyinka Daraya iyo Bariga Ghouta, ooy sheegtay in dawladda Suuriya aysan kooxaha gargaarka fasax u siinin inay gargaarka u qeybiyaan dadka u baahan. Hay’adda ayaa ugu baaqday dowladda Suuriya inay deg deg ugu ogolaato hay’adaha gargaarka inay gaadhsiiyaan dadka tabaalaysan gargaarka, waxayna sidoo kale cambaareysay in baabuurta qaar laga dejiyay daawooyinkii gargaarka, sida ay sheegtay QM.

Agaasimaha Human Rights Watch ee Bariga Dhexe, Nadim Houry ayaa sheegay in dawladda Suuriya aysan cudur daar u samayn karin inay dadka macluuliso, islamarkaana ay daawooyinka ka reebto gargaarka la gaadhsiinayo magaalooyinka go’doonsan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay