Murashaxa 2aad ee xibsiga Dimuquraadiga Bernie Sander ayaa Hillary Clinton uga guuleystay Codbixinta horudhaca ah ee is reeb reebka murashaxiinta oo xalay ka dhacday gobalka Wisconsin.

Bernie Sanders ayaa 7dii codbixin ee ugu danbeysay kusoo guuleystay lix kamid ah, iyadoona hada muuqato inay sii kordheyso taageerada Senator Bernie Sanders oo kasoo jeeda gobalka Vermont. Balse Hillary Clinton ayaa weli heysata codod badan, inkastoo qeyb badan oo kamid ah taageerayaasheeda ay yihiin ergooyinka Super-delegateska loo yaqaan oo ah madaxda xisbiga Dimuquraadiga.

 Dhanka Xisbiga Jamhuuriga waxaa guul daro weyn ka raacday gobalka Wisconsin Murashaxa Maalqabeenka ah ee Donald Trump oo isagu hogaaminayey murashaxiinta Jamhuuriga, waxaana gobalka Wisconsin uga guuleystay Murashaxa kusoo xiga ee Ted Cruz.

Donald Trump oo lagu yaqaan hadallo qalafsan iyo xiisad abuurka ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay la tacaalayey fadeexooyin lasoo gudboonaaday oo la xariira madaxa guddigiisa ololaha ooy booliiska xidheen kadib markii uu gacanta u qaaday suxufiyad iyo waliba hadalo uusan ka fiirsan Murashaxaasi oo ka dhacay xili uu wareysiyo bixinayey.

Hogaanka xisbiga Jamhuuriga ayaa si weyn uga soo horjeeda in Donald Trump uu noqdo murashaxooda mateli doona doorashada Madaxweynaha ee dhaceysa bisha November, iyagoona hada ku dadaalaya inay taageero xoogleh siiyaan murashaxiinta kale ee kala ah John Kasich iyo Ted Cruz.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay