Maanta oo Jimce ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 8/4/16 waxaa xerada qoxootiga Xagardheere ee Deegaanka Faafi kusoo xidhmay shirkii faracyada OYSU ee Gobolka woqooyi bari Kenya.

Shirka oo ahaa mid mudo lasoo qorshaynayay ayaa si habsami leh uga qabsoomay xerada Xagardheere waxaana martiqaaday Ururka OYSU fariciida Iftin ee kahowlgala xerada Xagardheere. Shirkan oo ay kasoo qayb galeen wufuud kakala socotay Dhagaxlay, Ifo, Gaarissa iyo Xagardheere ayaa furmay abaare 9:00 subaxnimo xiliga Xagardheere waxaana lagu daah furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdiini ah waxaana sitoos ah loo guda galay qodobadii shirka oo ahaa kuwo aad ubadan isla markaana muhiimado waawayn lahaa waxaana laguda galay kala warqaadasho iyo is waraysi dhankasta ah waxayna qolo kasta siwaafi ah uga warbixiyeen deegaankii ay kayimaadeen,

sidoo kale waxaa warbixin dhinacyo badan taabanaysay laga dhagaystay Hogaanka Arimaha Bulshada ee Ururka Ardayda iyo Dhalinta S.ogadenia ee heer aduun mudane Bashiir Cabdulaahi.

Kulankan oo mudo socday ayaa hoosta lagaga xariiqay 14 qodob oo ladoonayo in uu ururku si dhakhso ah ugu talaabo qaado waxaana qodobadaas kamid ah.
In kor looqaado kooxaha ciyaaraha (Sports),
In ladardar galiyo barnaamijka Ook And Pen oo ah mid lagu caawiyo agoonta iyo danyarta,
In lakobciyo garaadka xubnaha iyadoo looqabanayo siminaaro,
In maamulada looqabto koorsooyin maamul,
In kor looqaado kooxaha fanka si loohelo suugaan cusub,
In lakaydiyo suugaantii hore iyo mida dambe badan, iyo kuwo kale oo muhiim ah waxayna wufuudu qalinka kuduugtay meelmarinta qodobadan.

Guntii iyo gabagabadii waxaa sidiiran oo nabad ah kusoo dhamaaday shirkii faracyada OYSU ee bariga Africa waxaana lagu kala faa’iiday howlo badan oo halganka dan u ah wuxuuna soo gaba gaboobay 4:20 Saacada bariga Afrika.

Cabdiraxmaan Baclay

ONA

Xagardheere.

 

image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay