Rai’sal wasaaraha Ingiriiska, David Cameron ayaa sheegay in ay ahayd in uu si wanaagsan u maareeyo arrimahiisa la xidhiidha dhaqaalihiisa gaar ah. Wuunna qirtay in todabaadkan uusan u ahayn mid wanaagsan.

Hadalkaas wuxuu jeediyay Mr. Cameron isagoo la hadlaya dadka u ol’oleeya xisbiga taladahaya dalka Ingiriiska haya ee Conservative.  Cameron wuxuu sheegay in uu gadaal kasoo daabici doono macluumaadka ku saabsan canshuur celintiisa la xidhiidha shirkad uu aabihii lahaa oo saami uu ku lahaa.

Rai’sal wasaaraha ayaa todobaadkan sheegay in uu 2010-kii iibiyay saamiyaddii maaliyadeed ee uu dibadda ku lahaa. Laakiin hogaamiyaha Labour-ka, Jeremy Corbyn, ayaa sheegay in Ra’sal wasaaruhu uu “marin habaabiyay bulshada, uuna waayay kalsoonidii ay ku qabeen dadka reer Britain.

Waxaa xusid mudan in fadeexada ka dhalatay warqadaha laga shirkad laga leeyahay dalka Panama ay madax iyo masuuliin badan oo dunida kamid ah ay saamaysay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay