Garoonka diyaaradaha ee magaalada Amsterdam ee dalka Holland ee loo yaqaano Schiphol Airport ayaa habeen hore muddo saacado ah la xidhay qaybo kamid ah kadib markii halkaasi lagu arkay nin laga shakiyey.

 

Ciidamada sida khaaska ah u tababaran oo isku gadaamay garoonka ayaa xidhay nin laga shakisan yahay, iyadoo sidoo kale baadhitaan lagu sameeyey boorso uu ninkaasi watay laga waayey wax bambaano ah. Booliiska ayaa xogta ka helay shacabka oo ka shakiyey nin goobtaasi ku sugnaa, iyadoo la sheegay in weli baadhitaanku uu socdo.

 

Dalalka Yurub ayaa heegan sare kujira tan iyo weerarkii bishii hore ka dhacay Airporka magaalada Brussels ee dalka Belguim oo ay daris yihiin dalka Holland.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay