Wararka naga soo gaadhaya wadanka ogadenia ayaa sheegaya dhibaatooyin kala duwan oo ciidanka wayaanahu ugaysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan guud ahaan wadanka ogadenia. Tacadiyadan oo isugu jira Dil, Jidh-dil, Xidhay iyo Dhac ayaa u dhacay sidan.

9/4/16 Tuulada Farmadow oo Dagmada Qabridahare katirsan waxay ciidanka gumaysigu ku dileen Allaha unaxariistee 2 nin oo shacab ah waxaan lagu kala magacaabaa
1 yuusuf muxumad deeq
2 ibraahin cilmi (cagarog).

9/4/16 Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob waxay ciidanka wayaanahu xidhay iyo mooraduug isugudareen reer Saxane Cumar Khaliif oo 15 qof kakooban waxayna ka dhaceen 300 oo adhi ah iyo 12 geel ah.

9/4/16 Tuulada Caleen oo Dagmada Shilaabo katirsan waxay ciidanka cadawgu dad iyo duunyaba xabsiga dhigeen reer Axmad Ismaaciil iyo Ree Hire Axmad Ismaaciil.

9/4/16 Dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob waxay ciidanka gumaysigu latageen oo aan rag iyo ruux toona lahaynin Maxamadjahaad Iimaan Cubayd. Maxamad ayaan ilaa hada laga haynin wax war ah oo ku aadan noloshiisa iyo geeridiisa.

11/4/16 Iimaybari oo Gobolka Shabeelle ah waxay ciidanka dhaqanka xun ee gumaysigu kuxidheen odayaal kahadlay dhibaatada shacabka lagu hayo waxaana magacyadooda helay
1 cabdulaahi xassan cali bare
2 cabdulaahi sh cabdi gaboose
3 maxamuud sheekh cumar
4 shugri xassan
5 cabdi nuur.

12/4/16 Dagmada Birqod ee Gobolka Jarar waxay ciidanka wayaanahu kuxidheen dadka kala ah
1 cumar sheekh ismaaciil
2 Saynab mukhtaar sayid
3 saalax macalim cabdi
4 Ina bashiir sh cabdi.

12/4/16 Tuulada Garigo’an oo Dagmada Garbo katirsan waxay ciidanka wayaanahu ku xidheen dadka kala ah
1 macalim bashiir macalim sagal
2 bashiir maxamuud laangadhe
3 Badal maxamad dayib
4 Ina ibraahin cabdi sahal
5 deeq cabdishukri oo 20000 oo jir laga dhacay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay