Qaarada Afrika oo ah qaarada labaad ee ugu wayn aduunka waxaa badkeeda lagu qiyaasaa 1,1700,000 km2, qaaradu waxay leedahay cimilo kala duwan oo u badan dhexdhexaad iyo dhul caro san kuwaas oo suura galiyay inay hodan ku noqoto khayraadka kala duwan, sida xoolaha nool, wax soo saarka beeraha, khayraadka bada iyo macdan kala gadisan oo ay kamid yihiin Dheeman, Dahabka, Luulka iyo Shidaalka noocyadiisa kala duwan, qaarada Africa oo uu dhulkeedu aad u balaadhan yahay lehna khayraad badan oo dabiici ah ayaa waxaa mar walba ka faa’iidaysta quwado shisheeye kuwaas oo wadamo badan oo Africa ah kalasoobaxay shidaal iyo macdan kale marka laga reebo wadanka Ogadeniya oo isagu mar walba hela jabhado wadani ah oo difaaca khayraadkiisa.

Badhtamihii qarnigii 15aad ayuu Boortaqiisku bilaabay hordhicii waxay ku tilmaameen ganacsi ay la yeelan doonaan dadwaynaha reer africa ee daganaa Africada galbeed iyagoo wakhtigaas xarumo yar’yar oo ganacsi ka samaystay xeebaha galbeed ee Africa qaarkood, mudo yar kadib markii uu Boortaqiisku ku bilaabay ganacsigaas yar ayay yurubtii kale oo dhexdooda tartan ka jiray ogaadeen talaabadaas cusub ee uu qaaday bootaqiisku taasoo keentay in ay iyaguna ganacsi kaas lamid ah ka bilaabaan, waxaana kamid ahaa wadamada habkaa kaga dayday bortaqiska (Spain, Holland iyo kuwa kale) laakiin wadamadaas oo idili waxay ganacsigaas bilaabeen intii aan Africa la sahminin, sidaas darteed aqoon badan xiligaas uma ay lahayn wadamadaasu qaarad waynta Africa, baaxadeeda iyo khayraadkeedaba.

Akhristayaal Lasocda qaybaha danbe ee qormadan insha allaah

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay