Dagaal aad u culus ayaa kasocda nawaaxiga magaalada istiraatiijiga ah ee Xalab ee dalka Suuriya, kaasoo dhabar jab weyn ku ah wadahadallada nabadda ee dib uga bilowday magaalada Geneva. Mareykanka ayaa waxa uu sheegayaa inuu aad uga walaacsanyahay xoogagga Ruushka ee difaacaya dowladda Suuriya weerarka ay wadaan.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo kooxda mucaaradka Suuriya ay kutaliyeen inay la shaqeeyaan xubnaha dowladda hadda si xal siyaasadeed oo ku meelgaadh ah loogaadho. Dagaalka kasocdo agagaarka magaalada Xalab wuu sii adkaynayaa maalinba maalinta kadambaysa, waxa uuna noqonaya caqabadii ugu waynayd ee hor istaagta heshiiskii lagaadhay dhawaan.

Dagaalkii ugu dambeeyay waxa la’arkayay ciidamada dowladda oo teegeero ka helaya Ruushka in ay qaadayeen dagaal ka dhan kooxaha mucaraadka ayna ka jareen marinada ugu mihimsan ee qeybta mucaaradka ka maamulaan Xalab.

Waxa kaloo jira dagaal xoogan oo ka soconaya waqooyiga fog ee kudhow xuduuda wadanka Turkiga halkaasoo daacish ay dardargalisay dagaalka ay dib ugu qabsanayso dhowr degmo oo xadka kuyaala. Waxay wararku sheegayaan in khasaare uu ka dhashay dagaalkaasi, arrintaas ayaana hadhaysay wadahadallada nabadda ee lagu xasilinayo dalkaasi.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay