5-wadan ee ugu dhaqaalaha badan Midowga Yurub (EU) waxay ogolaadeen inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan ladagaallanka dadka aan doonaynin inay canshuuraha bixiyaan ee la baxsada ama ka dhuunta. Waxay sidoo kale dalalka warshadaha leh ee G-20 xubnaha ka ah ku boorinayaan inay arrintaasi tusaale ka qaataan.

Shantan wadan oo kala ah Britain, Jarmalka, Faransiiska, Taliyaaniga iyo Spain waxa ay wadaagi doonaan xogta ku saabsan dadka sida sirta ah u leh shirkadaha iyo hay’adaha ee canshuurta la dhuunta. Waxa ay sidoo kale qorsheynayaan inay sameeyaan diiwaanka madow, sida kii Panama, kaas oon ka shaqeyn doonin diiwaangelinta macluumaadka dadka canshuurta aan bixin.

Mar uu  ka hadlaayay shirka IMF ee Washington, madaxa maaliyadda Britain, George Osborne, waxa uu sheegay in heshiiskan uu dhabarjab ku noqonayo kuwa qarinaya xogta canshuurtooda. Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa baahinta warqadaha Panama, laakiin dadka wax dhalleceeya ayaa sheegaya in tallaabadan aysan meel fog oo looga hartoga canshuur la baxsadka gaadhaynin.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay