By: Nuradiin Jilani

Inkastoo ay tarjumaado dhib badan tahay isla markaana aan lagu koobi karin fikrada uu maqaalka xambaarsan yahay, hadana markaan akhriyay maqaalkii cinwaankiisu ahaa (Understanding Ethiopia’s Culture War in Ogaden: a Meditation with Ngugi wa Thiong’o) waxaa ii muuqatay inay faa’iido badan ku jirto in la’isku dayo in qodobada qaarkood bulshada aan ku hadlin af Ingriisiga loo iftiimiyo. Maqaalkan oo aad u dheer una qiimi badan, wuxuu qoraaga Nuradin Jilani si qotadheer u baadhayaa sababaha ay Itobiya u dabasocoto dhaqankii iyo taariikhdii umadda Somaliyeed, taasoo uu ku sheegay qoraaga inay Itobiya uga jeedo arintaa inay meesha ka saarto inay tahay dawlad gumaysi ah oo ku soo duushay oo qabsatay umadda Somaliyeed ee dagan Ogadenya. Iyo inuu shacabka Somaliyeed waligiiba ahaa gumaysi diid.  

Wuxuu ku bilaabay qoraaga maqaalkiisa warbixin ku saabsan Guuleed Casowe oo ahaa masuulka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee maamulka Jigjiga kaasoo hadda u xidhan dambiyo lagu soo eedeeyay oo ah anshax xumo iyo arima la xidhiidha diinta. Wuxuu yidhi qoraaga, lama odhan karo Guuleed Casowe markuu anshax xumadan falayay ma aanu ogayn horjoogihiisii Cabdi iley oo markii dambe noqday madaxa maamulka Jigjiga, ninkan oo falaadkiisa aan ereyo lagu soo koobi karin.

Guuleed ayaa wareysi uu siiyay VOA-da Somaliga ku sheegay in wasaaradiisa ay qorshaynayso sidii looga soo saari lahaa maydkii Allaha u naxariistee Sayid Maxamad Cabdille Xassan meesha uu ku aasan yahay oo ah qabuuraha Reegiito ee gobolka Bali oo loogu aasi lahaa qalcaddiisa ku taala buurta Sarmaan ee Iimey. Casoowe 2ba arin ayuu sabab uga dhigay isku daygaa; 1- in la soo nooleeyo oo la xafido dhaqankii iyo taariikhdii Sayidka. 2- in looga faa’idaysto arimaha dalxiiska oo kor loogu qaado. Wuxuu intaa sii daba dhigay oo uu sii adkeeyay inay wasaaradiisa u danay-nayso arintan dhaqan ahaan ee aanay dan ka lahayn taariikhdii halgankii daraawiishta iyo dagaaladii iyo gabayadii guubaabada iyo gumaysi diidka ahaa ee uu Sayidka caanka ku ahaa. Maamulka Jigjiga iyagoo dhankaa ka eegaya ayay ugu magacdareen qolka shirarka ee Jigjiga Sayidka – Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xassan-.              

Inkastoo aanu hindisahaasi waxba ka hirgalin ilaa hadda oo 2ba sano laga joogo, hadana su’aasha meesha taala in la’is weydiiyo waxay tahay; xukuumadda Itobiya maxay tahay sababta ay u raadinaysaa qabriga Sayid Maxamad? Mxayse tahay sababta ay dib ugu qorayaan taariikhda Somalida?

Jawaabta uu ka bixiyay qoraaga; waa inay hantaan dhaqanka umadda oy ku badhxaan waxay doonayaan (The answer is cultural control and manipulation.)

Isagoo arintaa sii daba socda ayuu qoraaga su’aashan soo dhigay ah;

Dhqqan muxuu yahay? What is culture?

Wuxuu jawaabta su’aashan ka soo luun-jeexday qoraagii Kenyaanka ahaa ee caanka ahaa ee sida aadka ah isugu taxlujin jiray ilaalinta dhaqanadii Afrika, Mr. Ngugi Wa Thiong’o oo ku macneeyayay sidan:

” Dhaqanku waa aqoonsiga mujtamac walba wuxuuna ka tarjumayaa jiritaankooda iyo dareenkooda wada-dhalasho”. Wuxuu kaloo ku tilmaamay dhaqanka inuu bidhaan u yahay wadajirka bulshada oo laga daawado waxay aaminsan yihiin ee qiimaha la leh iyo dalkooda iyo taariikhdooda. Isagoo sii caddaynaya ayuu Mr. Ngugi yidhi; ” Gumaysiga suu ugu sii adkeysto xukunkiisa siyaasadeed iyo dhaqaale wuxuu ka kontroolaa dhaqanka bulshada xagga waxbarashada, diinta, afka, hidaha, heesaha iyo wax kastoo hal-abuur ah. Siyaabahaa ayuu gumaysiga ku koontroolaa wax kastoo ay qiimeyn jireen dadka uu gumaysanayo, wuxuu kaloo koontroolaa siday caalamka kale u arkaan ama ay uu caalamka u arko iyaga.  

Qoraalo badan oo muujinaya siyaabaha uu gumaysiga isugu taxluujiyo inuu qayb ka mid ah mujtamaca uu gumaysto ka dhaadhiciyo inay isagiiba yihiin, ayuu qoraaga meela kala duwan ka soo xushay, taasoo ay isku raaceen aqoonyahanada bulshada oo sheegay in marka laga dhaadhiciyo midkii la gumaysanayay inuu iska dhigo kii wax gumaysanayay inay aad u sahlanaaneyso sidii bulshadaa loo hanan lahaa. Gumaysiga wuxuu ku dadaalaa inay dhalaanka ku barbaaray maskaxda gumaysiga maamulka dalkooda qabtaan kuwaasoo aan lahayn maskax iyo aragti ka baxsan miduu gumaysiga ku shubay. Waxaa arintan si fiican wax uga qoray halgamaagii aadka ula dagaalamay midab-takoorka Koonfur Afrika ee markii dambe ay dileen cadaanka Mr Steve Biko oo yidhi; Hubka ugu khatarsan ee ku jira gacanta gumaystaha waa hanashada maskaxda midka uu gumaysto ( “The most potent weapon in the hands of the oppressor is the mind of the oppressed”.). Dhalaanka uu gumaystaha soo barbaariyo ayaa noqda sidii xayawaan uu carbistay, oon lahayn aragti iyo aqoon ay ku baadhaan taariikhdoodii oo laga soo dhaadhiciyay si aanay ahayn. Qofka noocaa ah malaha han iyo isla weyni. Waa mid  ku faraxsan inuu yahay adoon, sidaa ayuuna ku abaadi sida uu sheegay Ngugi “who is happy that he is slave and fated to be slave forever”.  

Markuu ka hadlayay qoraaga maqaalka Mr. Nuradin Jilani; dhalinyarada loo soo ururiyo inay noqdaa maleesiyada Hawaarinta wuxuu yidhi; Marka la tababarayo waqtiga intiisa badan waxaa la galiyaa sidii maskaxda looga maydhi lahaa. Marka loo xidhayo tababarkana waxaa loo soo xulaa qaar sheegta wadaadnimo oo ah kuwa gumaysiga u shaqeeya, kuwaasoo khudbado u akhriya. Wuxuu sheegay qoraaga in mid ka mid ah wadaadaa uu ku tilmaamay ciidanka loo yaqaano Liyu police inay la mid yihiin asaxaabtii Rasuulka CS la socotay .. – one of these religious mercenaries was recently comparing the Liyuu Police to the Sahaaba of Prophet Mohamed (pbuh) and telling them ‘you’re Mujahedeen who will go to paradise if you fall in battle’!).

Arimaha uu la yaabay qoraaga waxaa ka mid ah Cabdulaahi Lugbuur oo ahaan jiray madaxa mamulka Jigjiga oo hadda shaqadiisii ay noqotay inuu qoro maqaalo aan qiimi lahayn isagoo xadaarada Itobiya ku tilmaama inay tahay mid aad u sareysa dagaaladii ay Somalida ku soo qaadeen gumaysiga Itobiya 1964 iyo 1977 ka dhiga dambi la galay. Arinta noocan ah ayuu ku tilmaamayaa qoraaga inay astaan u tahay aqoonyahanka marka la dhalan rogo, waa hadii Lugbuur lagu sheegi karo inuu yahay aqoonyahan .. (clearly a case of brainwashed intellectual, if Lugbuur can be described as such, writing ‘learned treatises’ about the wrongness and backwardness of his people).

Taariikhdii Sayidka iyo Imam Axmad Gurey ayaa hadda lagu dhigaa dugisyada Itobiya iyadoo laga soo qaadayo inay tahay taariikh Itobiya leedahay taasoo lid ku ah Somalinimadii, sababtoo ah labadan geesi ayaa loo aqoonsan yahay inay yihiin asaasayaashii umadnimada Somali. Itobiyeynta taariikhdii Somaliyeed ujeedada ka dambaysa waa in la tirtiro dareenka iyo jiritaanka umadda Somaliyeed iyo mustaqbalkooda. Si kastoo ay isugu daydo Itobiya, ama hasoo saarto maydkii Sayidka ama taariikhdii iyo halgankii darawiish dib ha u qoreene, Sayid Maxamad wuxuu ku ahaanayaa dareenka umadda Somaliyeed inuu ahaa halyey ka soo horjeedsaday gumaysiga oo la soo dagaalamay adoonsiga.

Su’aalo muhiim ah ayuu qoraaga soo dhigay. Haday Itobiya ka dhab tahay inay u soo celiso taarrikhdii iyo umadnimadii shacabka ay gumaysato, sababta ay u badashey calankii gobolka ee lahaa xidigta muxuu yahay? Maxay uga dhigtay Jimcaha maalin shaqo, Axaddana maalin nasasho? Maxay shareecadii ugu badashay qaanuunkeeda? Ujeedada ay ka leeyihiin taariikhdii Sayid Maxamad muxuu yahay oo aanay uga hadlayinin ragii kalee taariikhda ku lahaa dalka sida Wiil-waal, Raage Ugaas, Qamaan Bulhan, iyo kuwa kaleba? Maxaa dugsiyada loogu dhigi waayay taariikhdii WSLF oo TPLF ay la soo wada dagaalami jireen xukunkii Mingisto?

Waxaa hubaal ah inuu Sayidka diiday inuu is-dhiibo xataa markii laga adkaaday oo isagoo wada oon dhigin shucladii xoriyadda uu ku dhintay. Taasoo aanay rabin Itobiya in la xuso.      

Waxaa jira buu yidhi qoraaga maqaalkan dad Somali ah oo si aan ku-talagal ahayn u baab’inaya taariikhdii uamdda Somaliyeed. Waxaa ka mid ah fanaanka iyo gabayaaga caanka ah Maxamad Ibrahim Xadraawi, oo meel walba la taagan wuxuu ahaa Sayidku nin xukun jecel oo kali-talis ah, isagoo raaciyay ma jecli siyaasadiisii. Wuxuu yidhi Xadraawi mar la wareystay; “gabayada Sayidka een jeclahay waa kuwaan ahayn siyaasadda” . Wareysigaa ayuu siiyay Newsweek maqaalkii cinwaakiisu ahaa (It’s a Mad, Mad, Mad, Mad World – Newsweek Sep 30, 2009) ee ka dhigayay Osama Bin Laden inuu hayo tubtii Sayid Maxamad. Isagoo raaciyay; Gabayada Sayidka een jeclahay waa kuwa ka hadlaya xidigaha, dhirta, wabiyada, roobka, xiliyada … iyo geela.

Waan fahmi karnaa ayuu yidhi qoraaga maqaalka waxa ku kalifay Guuleed Casoowe inuu iska fogeeyo halgankii gumaysi diidka ahaa ee Sayidka, hasa ahaatee Xadraawi siduu u hadlay waa arin aan macquul ahayn.

Warbixintaa dheer ka dib ayuu qoraaga wuxuu soo qaadanayaa gabayaaga weyn ee Cabdulaahi Macallin Dhoodaan, wuxuuna yidhi haduu Sayidku yahay shaqsi taariikhi ah oo geeriyooday sidaa darteedna aan iska difaaci karin beenta laga sheegayo, waxaa la gaarsiiyay Dhoodaan heer uu ku kufriyo fikirkiisii iyo gabayadii uu ku soo taageeray halganka gobanimadoon ee Ogadenya ka socda. Gabayaagan caanka ah ayaa Ogadenya ka ah shaqsi leh qiimihiisa. Waxaa la soo joojiyaa Dhoodaan geed walba si looga yeedhsiiyo cayda ONLF isagoo tirinaya gabayo aad u qiimi hooseeya oo ka soo horjeeda halganka gobanimadoon ee shacabka Ogadenya oo gabayadiisii hore ay qaybta weyn ku lahaayeen kicinta dhalinyarada. Intaan lagu ridin godkan ceebeed, Dhoodaan wuxuu ahaa shaqsi ay gabayadiisu ka soo qaateen door weyn abuuridda dareenka wadaniyadeed iyo isku-kalsoonida shacabka iyo halganka gobanimadoon ee Ogadenya ka socda.

Habka loo maamulo indheergaradka iyo xubnaha ka dhaq-dhaqaaqa bulshada halgamaysa say u inkiraan mawqifkoodii wadaniga ahaa oy uga horyimaadaan waxaa sharaxaad fiican ka bixiyay qoraaga Kenya Mr. Andrew Koriri oo maqaal uu cinwaan uga dhigay (Yet another ‘peace deal’ in Ogaden.) kaga hadlay heshiis ku sheegii Ogadenya. Koriri wuxuu ku tilmaamay arinta noocan ah inay tahay mid taariikh ahaan ay isu adeegsadaan dadka iska soo horjeeda, hadafkiisuna yahay in qofka markuu inkiro oo dacaayadeydo wixii uu horey u aaminsanaa iyo taariikhdiisii hore laga dhigo in laga adkaaday oo laga xoogbadan yahay. Waana sababta ay xukuumadda Itobiya uga yeedh-siinayso inay caayaan fikradii ay aaminsanaayeen qaar horey u ahaan jiray ONLF. Waana sababta ay kolba qorbaha uga soo ururinayaan qaar horey u ahaa ONLF ama aanan ka mid noqon waligood oo dadka iyo caalamka loo tuso, si loo yidhaahdo ONLF qalalaase ayaa ka dhex taagan. 

Waxaa hadda muuqata inay Itobiya aad u danaynayso arimaha dhaqanka. Laga soo bilaabo 2009kii fanaaniin Somali ah oo aad u taageeri jiray qadiyadda aaya-ka-tashiga shacabka Ogadenya ayay xukuumadda Itobiya soo laaluushtay. Waxaa ka mid ah Maxamad Sulaymaan Tubeec oo heestiisii – Geesiga dhulkiisa guusha u horseeda- darteed ay kumanaan dhalinyara ah isugu rideen dabka taangiyada Itobiya 1977kii. Fanaankan caanka ah ayaa la siiyay lacag suu u qaado heeso uu ku amaanayo cadawgii umadda Somaliyeed. Waxaa kaloo ka mid ah fanaaniinta la iibsaday Cadar Axmed Khaahin (April 2010); Nimco Dareen (June 2011); Waayahay Cusub (September, 2011)’.

Waxaa la yaab leh buu yidhi qoraaga sababta ay Itobiya u raadsanayso fanaaniinta gaar ahaan kuwii horey u soo tiriyay heesaha iyo gabayada ka soo horjeeday gumaysiga. Ujeedada ay fanaaniintii wadaniyiinta ahaa ay u soo kaxaysanayso Itobiya ayuu ku sheegay inay doonayso si gumaysigeeda ugu sawirto shacabka Somaliyeed ee Ogadenya mid la aqbalay ama aan jirinba.

Waxaa tarjumay ONA.

The English Text

 

 
 

1 Comment

  1. ARAG- SHABEEL says:

    Waa maqaal qiimihiisu uu garan karo qof si aad ah ugu dhuun duleela weerarada iyo xeeladaha cusub ee gumeysiga Woyaanuhu dagaalka u rogeen(rareen).
    Waa maqaal si cilmiyeysan uga jawaabo su’aalo badan oo aniga iyo boqollaal ka mid ah ummadda Ogadeenya, isweydiinayeen xiliyadan dambe; waxaana kamid ah su’aalaha odhanaya;

    Maxaa sababay gaar ahaan, wakhti xaadirkan in gumeysigu awoodiisa isugu geeyo la dagaalanka iyo dhaqan roga dhan walba uu kaga soo qaaday bulshada uu gumeysto iyo danta uu ka helayo arintaas? Maxaa ku kalifay inuu adeegsado siyaasadda dhaqanka ku dhisan, isagoo maaro u waayey inuu shacabka Ogadeenya u adeegsado cadaadis iyo xoog inuu ku ogoleysiiyo gumeysigiisa islamarkaasna hantiyo dad iyo dhaqanba?.

    Maxaa keenay gumeystuhu inay gabaad iyo daliil ka raadshaan wadaadada diinta, iyada oo la wada ogsoon yahay mowqifka adag ee diinta Islaamku ka taagan tahay Jihaadka iyo iska caabinta lagula jiro gumeystaha dhaqan bi’iska ah?

    Jawaabta su’aalahas oo idil waxaan si waafi ah kaga bogtay qoraalka sare ee uu qoray aqoonyahan Ogadeenya u dhashay ee la yidhaahdo Nuradiin Jiilaani, oo dhab ahaantii la’aantiis suurto gal aysan u noqoteen inuu sida u lafo-guro una dhugto si qoto dheer khabiir iyo aqoon yahay aan ummadda Ogadeenya ka dhalan ! Waa geesi aqoontiisa iyo qalinkiisa ku difaaca marwalba danaha iyo qadiyadda Ogadeenya.

    Waa maqaal u baahan in lagu baraarujiyo qeybaha bulshada oo idil, si ay ula socdaan tabaha iyo xeeladaha kala duwan ee gumeysiga Itoobiya adeegsan hayo mudadan dambe.

    Waxayna ila tahay in qoraalkanu yahay mid aan loogu talo galay oo kaliya inay akhristaan ama indhaha mariyaan; bulshada inteeda indheer-garadka ah, siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka daneeya arimaha Ogadeenya, laakiinse uu yahay mid baahidiisu kaga haboon tahay in ummada ka soo jeeda Ogadeenya oo dhan lawada gaadhsiiyo siday doontaba ha ku gaadhee ( hab qoraalka lagu daabacayo ama iyadoo la adeegsanayo nternetka ah,Facebook-ga iyo twitterka), si cashar iyo fahan dheeraad ah uga helaan bulshadeenu, dagaalka xagga dhaqanka ah ee lagu soo qaaday iyo qaabka ugu wanaagsan ee looga gaashaaman karo khatartan cusub.

    Maqaalkan oo muddadii aan akhrinayey aan sugi la’aa dhamaadkiisa xiisaha naftaydu u qabtay daraadeed, ayaan gunaanadkii ka helay qaabka ay tahay inaan u fahano uguna diyaar garoobi lahayn dagaal wajiga cusub leh ee la innagu soo qaaday ( lagu soo qaaday Shacabka Ogadeenya).

    Dagaalada kala duwan ee Itoobiya wado ayaan kala miisaan badney, walow Ciidanka ONLF ee shacabka Ogadeenya ku dhaadanayo, guulo iyo dhirbaaxooyin lama ilaawaan ah ku dhufto qowlaysatada Tigreega iyo Xafaariintooda, haddana waxaa kaalinkooda laga rabaa inay ka soo baxaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Shacabka Ogadeenya sida; Odayaasha, Hooyooyinka, Dhalinyarada, Gabdhaha, Culimaa’u diinka, Abwaannada, Hal abuuradda, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, sidii ay meel qudha uga soo wada jeedsan lahaayeen dagaal dhaqanka ah ee lagu soo qaaday, isuguna baraarujin lahaayeen arintaas iyo khatarta ka imaan karta.

    Weerarka xagga dhaqanka ah ee Tigreegu miciinsadeen inay adeegsadaan, ayaa u baahan sida ay ila tahay in lagaga hortago dhawr arimood oo is-wata, kuwaas oo u kala horeeya sidan hoose;

    1- In xoogga la saaro baraarujinta bulshada goobaha ay isugu yimadaan, dadkana la baro taariikhda halgan iyo mida kale ee ummadani leedahay oo ah wax lagu faano.
    2- In dhalinyaradu qaataan dawrka (Kaalinta) ugu muhiimsan ee dagaalkan, taas oo noqon karta; qabashada tartamo xagga curinta hal-abuurka, heesaha iyo hiddahaba ah, middan oo keeni karaysa jaceyl ay u qaadaan dhaqankooda, barashada iyo kobcinta luqadooda.
    3- In si mideysan loola dagaalamo cid walba oo isku dayday\isku dayeysa inay keenaan bulshada iyo qoyska dhexdiisa wax xidhiidh toos ah ama mid dadbanba la leh dhaqanka gumeystaha, arintan oo si gooni ah u taabanaysa qoysaska iyo xaafadaha.

    Waxaana ka codan lahaa Wakaaladda Wararka ee Ogadeeniya (ONA), inay ku faafiyaan maqaalka qeybaha kala duwan ee media-ga, hadday suurto gal tahayna gaadhsiiyaan gudaha Ogadeenya, kana sii daayaan isagoo cod ah sidiisa ah Idaacadaha Ogadeenya iyo Televisoonka Ilays, maqaalkan oo ku haboon in barnaamij laga sameeyo.

    Waad Mahadsantihiin
    Mohamed Ilaysa ( Arag-Shabeel)

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay