Wararka naga soo gaadhaya wadanka ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo ciidanka wayaanahu ugaysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan guud ahaan wadanka ogadenia. Tacadiyadan ugu dambeeyay oo isugu jira xidhay, dhac iyo gabagabayn ayaa udhacay sidan.

15/4/16 Dagmada Birqod ee Gobolka Jarar waxay ciidanka gumaysigu ku xidheen toban iyo dhowr oday oo kamid ah shacabka deegaanka waxaana magacyadooda helay kuwan
1 maxamad axmad cali
2 kaamil sheekh Ibraahin
3 cabdi wahaab cumar maxamad
4 xassannuur cabdi xassan
5 tubeec bashiir dhagacade.

15/4/15 Yucub oo Dagmada Wardheer katirsan waxay ciidanka gumaysigu ku dhaceen ganacsatadii magaalada waxayna ka boobeen hanti dhan 40000 oo bir.

16/4/16 Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob waxay ciidanka cadawgu mudo dhowr bari ah gabagabeeyeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada waxayna xabsiga dhigeen dad badan oo aan magacyadooda kahelay

1 sheekh maxamad maxamuud dhagacade
2 Tamaan shugri xassan
3 ilmo cabdi qalinle oo labo mataano ah.

17/4/16 Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay waxay ciidanka gumaysigu xili Habeen ah labaceen Faadumo Xirsi Bile oo aan ilaa hada la ogayn meesha lageeyay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay