Ciidanka Cirka ee Suuriya ayaa duqeyn culus la beegsaday deegaanka ay mucaaridka gacanta ku hayaan ee gobalka Idlib. Duqeyntan ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 44 qof, waxaana lagu soo beegay xili uu hakad galay shirkii wadahadalka ee ka socday magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Gobalka Idlib ayaa intiisa badan waxaa gacanta ku haya kooxda Jabhatul Nusra ee Al Qacidada Suuriya. Kooxdaasi ayaa Isniintii lasoo dhaafay weeraro xoogan ku qaaday gobalka Ladiqiya ee waqooyi galbeed dalka Suuriya. Halkaasi ooy ku yaalaan saldhiyada ay ku sugan yihiin ciidamada Ruushka.

Duqeynta ka dhacday Idlib ayaa la rumeysan yahay inay jawaab u ahayd weerarkii Al Nusra ay isniintii ku qaaday gobalka Laadiqiya ee xeebta saaran. Wadahadalkii kasocda magaalada Geneva ee u dhaxeeyey dowlada Suuriya iyo Mucaaridka qunyar u socodka ah ayaa hakaday kadib markii garabka mucaaridka ay ku eedeeyeen dowlada Suuriya inay in ka badan 1000 jeer jabisay shuruudihii lagu xidhay xabad joojintii la dhex dhigay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay