Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa gaadhay dalka Saudi Arabia, isagoo boqor Salmaan kala hadlo arrimo dhowr ah oo muhiim ah. Waxyaabaha ugu weyn ee diiraadda lagu saarayo wada-hadallada labada dhinac ayaa waxaa kamid ah loolanka ka dhex oogan Sacuudiga iyo Iran, dagaalka Yemen, iyo dadaallada la doonayo in looga adkaado kooxda Daacish.

Mareykanka iyo Saudi Arabia ayaa ah xulufo muddo fog, hase yeeshee waxaa dhowaanahan jiray xiisad ka dhex oogan labada dhinac. Obama ayaa waxa uu Sacuudiga ku dhalleeceeyey inaysan wax badan ka qaban sidii looga adkaan lahaa Daacish. Wada-hadallada ayaa waxaa xigi doona shir madaxeedka lixda dal ee Iskaashiga Gacanka oo dhici doona maanta oo Khamiis ah.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay