wararka naga soo gaadhaya wadanka ogadenia
ayaa sheegaya tacadiyo kala
duwan oo ciidanka wayaanahu ugaysteen dadka
shacabka ah ee ku dhaqan
guud ahaan wadanka ogadenia. warkan oo aan
kahelay wariyaha ONA uga
soo warama xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga
Xoraynta Ogadenia ( JWXO
) ayaa u qoraa sidan.

15/4/16 Dagmada Jigjiga ee xarunta Gobolka
Faafan Waxay ciidanka
gumaysigu ku xidheen odayaal aad u badan
waxaana magacyadooda helay
1 sheekh maxamuud gadhjubi
2 cabdulaahi heebaan
3 cabdulaahi dheere
4 ibraahin caydiid ( didhiq ).

15/4/16 Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay
waxay ciidanka wayaanahu
kuxidheen dad 20 kor udhaafaya oo shacab ah
waxaana magacyadooda helay
1 cabdi dabshid maxamad maaweel
2 aadan gadhyar
3 Xassan xaashi
4 dhamac carab xuseen
5 Ina Badal ismaaciil.

17/4/16 Tuulada Yucub oo Gobolka Doollo
katirsan waxay ciidanka
cadawgu xidhay iyo dhac ugu gaysteen
1 maxamad cabdile oo 20000 bir ay kadhaceen
2 asad sheekh daahir oo 30000 oo lacagta
Ethiopia ah ay kadhaceen.

17/4/16 Qamuuda oo Dagmada Wardheer ee
xarunta Gobolka Doollo katirsan
waxay ciidanka wayaanahu kuxidheen Shakaal
Xaaji Cabdulaahi.

17/4/16 Dagmada Birqod ee Gobolka Jarar waxay
ciidanka gumaysigu ku xidheen
1 Sadiiq sayid cabdiqaadir
2 maxamuud mukhtaar sayid
3 Faadumo mukhtaar shoobeeye
4 sh axmad wadaadyare
5 sh cabdi Guure
6 axmad haadi.

18/4/16 Gudhis oo Dagmada Iimaybari ee
Gobolka shabeelle katirsan
waxay ciidanka cadawgu xidhay iyo dhac ugu
gaysteen gabadh lagu
magacaabo Sahra maxamad macalim qaasim
waxayna kala wareegeen dukaan
ay lahayd.

19/4/16 Hadhaawe oo Dagmada Goday ee
Gobolka shabeelle katirsan waxay
ciidanka cadawgu ku xidheen Ridwaan Xassan
Cabdi.

19/4/16 Kudunbuur oo Dagmada Qabridahare
katirsan waxay ciidanka
wayaanahu kuxidheen Faarax Colwad Kenadiid.

19/4/16 Garoonka oo Dagmada Wardheer ee
Gobolka Doollo katirsan waxaa
lagu xidhay
1 calikhayr ismaaciil timowayn
2 muuse ismaaciil wilinje.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay