Mudadii u dhaxaysay qarnigii 15aad ilaa horaantii qarnigii 19aad wadamada ree yurub wax wara oo la tilmaami karo kama aysan haysanin Africa, marka laga reebo xeebaha galbeed oo ay tira yar oo kamid ahi ay joogeen sidaan qormadeeni hore kusoo sheegnay, laakiin markii lasoo gaadhay badhtamihii isla qarnigii 19aad bay si rasmi ah u sahmiyeen Africa, xiligaas oo ay meelo kamida africa yimaadeen laba nin oo midi ahaa ingiriis ka kalana ahaa suxufi u dhashay holland, labadaas nin markii ay laabteen waxay wadamadii ree yurub u sheegeen inay soo arkeen dhulwayne ilaha dhaqaale hodan ku ah iyagoo dadkii africa daganaana ku tilmaamay dad kadambeeya dadyawgii ku dhaqnaa qaaradihii kale ee aduunka.

Intaasu markii ay dhacday, wadamo badan oo ree yurub ahaa baa bilaabay haloosi iyo inay ku talamaan sidii ay u qabsan lahaayeen qaarada africa ee hodanka ku ah ilahaas dhaqaale, ganacsato badan oo ay ku jiraan dadkii isaga gooshi jiray wadamada aduunka ayaa sidoo kale u riyaaqay warkaas, sidii aan qaybtii hore ee maqaalkan kusoo sheegay markii warkii afrika loo riyaaqay ayaa ahayd horaantii qarnigii 19aad, laakiin ka hore waxa jiray shirwaynihii afrika lagu qaybsanayay oo uu abaabulay boqorkii xukumi jiray dalka biljam ee la odhan jiray king leopold, wuxuuna shirkaas ujeedadiisa ku tilmaamay mid lagaga hadlaayay wax uu ugu yeedhay Qorshaha ilbixinta iyo horumarinta dadwaynaha qaarada africa, waxaana ka qayb galay shirkaas wadamo badan oo reer yurub, shirkana ujeedadiisa say doonaan haw sheegaane wuxuu ahaa shirkii qaybinta Afrika.

Mudadii u dhaxaysay (1880-1914) in yar uun ka hor dagaalkii koowaad ee ay yidhaahdeen aduunkuu ka dhacay waxa sii liciifayay xidhiidhkii u dhexayn jiray wadamo badan oo reer yurub ah, waxaana xiligaas yurub ka aloosnaa sababihii dhaliyay dagaalkii koowaad ee aduunka, kuwaas oo ahaa qaar hore u jiray iyo markii danbe sii huriyay, sababaha horay u jirayna waxaa kamid ahaa:

1: Tartan Ganacsi oo ahaa mid uu wadan kasta oo wadamadii yurub ugu waawaynaa ka mid ahi ku doonayay inuu saylado u helo waxyaabaha ay soo saaraan warshadihiisu.

2: Tartan qoomiyadeed oo ahaa inay xiligaas dadka intii isku af, diin, dan iyo dhaqan ahi is urursadaan si ay ula tartamaan dhigooda.

3: Tartan ciidan oo ay wadamadu xooga saarayeen sidii ay u yeelan lahaayeen ciidan tiro iyo tayoba leh, waxaana ugu hormarsanaa wadanka jarmalka oo aad xaga sancada ugu horeeyay waagaas inkastoo markii dagaalkii lagaga guulaystay la xadiday awoodiisii ciidan.

Iyadoo ay jiraan sababahaas sadexda ahi ayaa waxa soo kordhay tartan dhulgumaysi oo xiisadihii awalba horay u aloosnaa hawada kusii shareeray, tartan dhul gumaysi oo xidhiidh la leh qodobka (1) wuxuu wadan waliba ku doonayay inuu qaaradii africa ee la qaybsanayay isagu helo qaybta ugu wayn si alaabta caydhiin (raw materials) ee afrika qaniga ku tahay warshadahooguna la’aantood ayna shaqayn karin ay u helaan iyo waliba inay saylad wayn oo ganacsi ka dhigtaan hadba dhulka ay qabsadaan.

Lasocda qaybaha danbe ee qormadan insha allaah

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay