Maanta oo Jimce ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 22 / 4 / 16 waxaa xerada qoxootiga Xagardheere ee deegaanka Faafi ka soo dhamaaday xaflad khatin ahayd oo ay qabteen Ururka Culimada Ogadenia ee xerada Xagardheere.

Xaflada oo ahayd mid sifiican looga soo shaqeeyay ayaa qabsoontay galinkii hore ee maanta oo Jimce ahayd waxaana furitaankii kadib warbixin aad u dheer soo jeediyay sh cabdiqaadir suldaan oo kamid ah Golaha Shuurada ee Ururwaynaha culimada S.ogadenia, sheekha ayaa ugu horaynba kawarbixiyey gudaha ogadenia iyo dibadaba wuxuuna sheekhu sidoo kale kawar bixiyay wixii ururka culimada uqabsoomay mudadii yaray ee uu jiray.

Kulanka noocan ah ayaan ahayn mid cusub wuxuuna kamid yahay shaqooyinka joogtada ah ee ururada culimadu uu qabto waxayna ururka culimadu si joogta ah u akhriyaan qur’aanka kariimka ah oo ah hubka ugu culus ee ciidanka gumaysiga lagula dagaalamo.

Dhinaca kale ururka culimada ayaa mudadii uu dhisnaa xooga saaray sidii ay dhalinta iyo waayeelka dadka soomaalida Ogadenia iyo dadka soomaaliyeed ba ubari lahaayeen diinta islaamka waliba si bilaash ah oo aan qofka lawaydiinaynin wax dhaqaale ah.

Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia UCSO ayaa mashquul ku ah qur’aan ratib ama joogto ah oo ay markasta akhriyaan iyagoo bishiiba boqolaal jeer dhameeya akhrinta qur’aanka.

Abdiraxmaan Baclay

ONA Xagardheere.image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay