Warar rasmi ah oo ONA soo gaadhaya ayaa sheegaya in u qas siyaasadeed oo xoogani u ka taaganyahay Kililka Hararida.

Qasankan siyaasadeed ayaa baryahan danbe u dhaxeeyay madaxda  Hararida & ururka OPDO, oo isku khilaafsan qaabka ay siyaasada wadanku u socoto gaar ahaan tan Kililka Hararida.

Khilafkan ayaa waxa u galaaftay Afandi Sheekh oo ka tirsanaa gudigga Fulinta ee Kililka Hararida oo xabsiga loo taxaabay.

Waxaa dhawr jeer oo hore ay isku dhaceen Ciidamada Woyanah & Booliska Hararida. Marar kalena waxaa isku dhacay Booliska Harardida & Ciidamada OPDO-da oo iyaguna raba in ay sida ciidamada Woyanah ku amar kutaagleeyaan.

Markii ugu horaysay ma aha in u isku dhac noocan oo kale ahi oo ka bilaabmo Kililka Harrarida.

Dhibaatooyinkan siyaasadeed & ismari waagan ayaa waxay ka taagan yihiin meelo badan oo Itoobiya ka tirsan taas ayaa muujinaysa  in usan Itoobiya ka jirin  sharci, nidaam & kala danbayn toona.

Kala soco ONA warkan wixii ka soo kordha.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay