Sida ay sheegayaan warar laga helay saxaafada dalka Mexico, in ay Ugu yaraan 3 qof ku dhimatay qarax weyn oo Arbacadii ka dhacay Warshad weyn oo lagu sifeeyo batroolka oo ku taala magaalada Coatzacoalcos ee koonfur-bari dalka Mexico.

Shilkan ayaan ka dhacay warshada ay maamusho shirkada batroolka ee dalka Mexico laga leeyahay ee loo yaqaan Pemex, qaraxan ayaa si weyn u saameeyey magaalada xeebta saaran ee Coatzacoalcos.

Dowlada Mexico ayaa sheegtay inay baadhitaan kuwado waxa keenay shilkan, mana aha markii ugu horeysay oo shil noocaan ah ka dhaco xarun ay maamusho shirkada Pemex.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay