Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa shalay dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu safaro shaqo ku kala bixiyey dalalka Turkiga iyo Ruushka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Saxaafadda la hadley kadib markii uu dalka ku soo laabtey ayaa sheegey in uu ka qayb-galay shirkii Dalalka Islaamka ee ka dhacay Turkiga kaas oo looga hadlaayey arrimaha khuseeya dalalka Islaamka gaar ahaan sida xal looga gaari lahaa khilaafyada dhex-dooda ah. Cumar ayaa sheegay in shirkaasi socdey laba maalmood isla markaana lagaadhay qodobo muhiim ah oo wax lagu xalin karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadley safar kaloo uu ku tegay dalka Ruushka, wuxuu sheegay in ay kulan wada qaateen Sergei Lavrov, Wasiirka Arimaha Dibbada ee Ruushka ooy ka wada hadleen iskaashi dhex mara Ruushka iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha ciidanka.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in aan ciidan shisheeye lagu tashan karin, sidaas dadrteedna uu ka shaqeynayo sidii loo heli lahaa ciidan Soomaaliyeed oo dalka amnigiisa wada hanta, taasna ay ahayd arrimaha ay Ruushka ka wada hadleen

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay