Duqa magaalada London Boris Johnson ayaa cambaareeyay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo booqasho ku jooga wadanka Ingiriiska inuu cadaawad gaar ah u hayo shacabka UK.

Mr. Johnson oo kamid ah kooxaha u ololeenaya in UK iskaga baxdo Midowga Yurub, ayaa si weyn u dhibsaday baaqa Obama uu shacabka Ingiriiska kula taliyey inay kasii mid ahaadaan Midowga Yurub. Bisha June ayaa lagu wadaa in dadka UK afti cod ugu qaadaan inay kasii mid ahaadaan Midowga Yurub iyo inay iskaga baxaan EU-da.

Boris Johnson oo kamid ah xisbiga Muxaafidka ee talada haya ayaa u ololeenaya UK inay isaga baxdo Midowga Yurub, wuxuuna weerar afka ah ku qaaday Barack Obama oo uu ku sheegay nin Cadaawad gaar ah uhaya Ingiriiska maadaama qoyska Obama kasoo jeedo Kenya oo kamid ah dalalkii Ingiriisku uu gumeystay.

Arrintan oo uu Duqa London ku sheeqay maqaal uu ku qoray Jaraa’idka The Sun ee dalkaasi kasoo baxa, ayaa sidoo kale tusaale usoo qaatay in Obama markuu xilka qabtay 2009 uu xafiiska Madaxtooyada Aqalka Cad ee Maraykanka kasaaray sanab yar oo astaan u ahayd Raysalwasaarihii hore ee UK Winston Churchill oo xukunka soo qabtay xiligii dagaalkii 2aad ee Dunnida.

Dadka ayaa qaar ku tilmaamay in ay ka ahayd Obama naceybka UK u qabo ama naceybka uu u qabo Boqortooyadii Ingiriiska, maadaama uu yahay nin asal ahaan kasoo jeeda Kenya ” Ayuu yidhi Borsin Johnson oo hadaladiisan u keeneen cambaareyn xoogan oo dhanka shacabka uga timid. Qaar kamid ah Xildhibaanada UK ayaa Duqa London ku tilmaamay inuu cunsuri yahay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay