Wararka ka imaanaya Gobolka Gambella ayaa sheegaya in dad badan oo horleh lagu laayay gobolkaas.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in dadkan hadda la laayay ay intooda badani kasoo jeedaan  qawmiyada Oromada.

Gobolka Gambella oo awalba ay dagaalo kasocdeen ayaa baryahan dambe isu badalay meel dadka lagu qalo oo uu xasuuq baahsani ka dhaco.

Xaalada gobolka Gambella ayaa baryahan dambe aad u kacsan taasoo keentay in shacabkii halkaas ku dhaqnaa uu mudaharaad xoogan ka dhacay Gambella town.

Dawlada Itoobiya ayaa si ula kac ah hubka uga dhigtay qabiilka la xasuuqay isla markaana ciidankii Woyaanah ee gobolka Gambella oo isha ka fiirsanayay intii shacabka Gambella la xasuuqayay.

Sida aynu lawada socono waxaa kajira kacdoono badan oo shacbi ah oo ka socda gobolo badan oo Itoobiya katirsan.

Kacdoonadan ayaa waxa barbar socda dagaalo culculus oo lagaga soo horjeedo taliska TPLF. Dagaaladan ayaa kuwa ugu xoogan waxaa kamid ah dagaalka ay CWXO kula jiraan ciidamada gumaysiga Itoobiya ee xoraynta Ogadeniya lagu baadi goobayo oo noqday dagaalkii ugu dheere oo geeska Africa kasocda.

GAm2gamGam3

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay