wararka naga soo gaadhaya wadanka ogadenia
ayaa sheegaya tacadiyo kala
duwan oo ciidanka wayaanahu ugaysteen dadka
shacabka ah ee ku dhaqan
guud ahaan gayiga Ogadenia.

warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada
Wadaniga Xoraynta
Ogadenia JWXO ayaa sheegaya in ay ciidanka
cadawgu meelo ogadenia
katirsan ka gaysteen Dil, Jidh-dil, Xidhay iyo
Dhac waxayna dhacdooyinku udhaceen sidan.

19/4/16 Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay
waxay ciidanka bahalka ah
ee wayaanuhu kudileen Allaha unaxariistee
gabadh xamaalo ah oo lagu
magacaabi jiray Ardo Sureer Faarax.

20/4/16 Baraajisaale oo Dagmada Qabridahare
katirsan waxay ciidanka
gumaysigu xidhay iyo mooraduug ugu gaysteen
Maxamad Geelle oo 130 geel
ah ay kadhaceen xabsigana utaxaabeen.

21/4/16 Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta
Gobolka Jarar waxay ciidanka
wayaanahu ku xidh xidheen dad aad ubadan
waxaana xabsiga magaalada
kusii jiray odayaal badan oo todobaadkii tagay
xabsiyada ladhoobay
dadka shacabka ah ee magaalada kuxidhan ayaa
lagu sheegay dhowr boqol
oo Odayaal ubadan waxaana magacyadooda
helay
1 cabdulaahi gaas oo bakhaar uu lahaa lagala
wareegay
2 rooda qani sh maxamuud
3 faysal daa’uud
4 maxamad jinac
5 caydaruus cabdulaahi cabdi
6 Ina axmad faarax
7 Sureer cabdi
8 qureesh cali
9 faysal cali nuur
10 sh maxamad irshaad
11 maxamad cali maxamad
12 maxamad cabdulaahi gamaash
13 shuuriye cabdi fataax
14 Cabdiraxmaan cabdulaahi dhiinle.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay