SHIRKII BILLAHA AHAA EE OYSU IFO OO MAANTA SIFIICAN UQABSOOMAY

Maanta oo ahayd maalin Axad ah taariikhduna kubegnayd  24/04/2016  waxaa xerada qoxootiga Ifo ee deegaanka Dhadhaab kadhacay shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU faraciisa Miftaxul-Xorriyo ee kahawl gala xeradaasi Ifo.

Shirka oo ahaa mid si heer sare ah loosoo abaabulay ayaa furmay abaarihii 9:00am ee wakhtiga Dhadaab.

Waxaana kasoo qayb galay inta
badan xubnaha ururka OYSU  Ifo iyo waliba xubno kale oo shirka lagu martiqaaday.

sidii caadada ahaydba shirka waxaa lagu furay  ayaado kamid ah qur’aanka kariimka ah  iyo wacdi diini ah oo aad iyo aad uqiimo badan oo uu soo jeediyay halgame Sheekh Cabdifatax oo kamid ah culimada Ogadenia wuxuuna sheekhu
Aad ugahadlay jihaadka iyo sadaqada oo lagu bixiyo halganka xaqa ah ee kasocda Ogadenia JWXO na hormuudka katahay asagoona udardaarmay xubnaha ALLA kacabsi iyo in ay halganka uyeeshaan Samir iyo dulqaad.

Sidoo kale waxaa lakalaqaatay warbixinno farabadan oo  dhan walba taabanaya Waxaana sigaar ah looga warbixyay heerka siyaasadeed ee halganku maanta Marayo khaasatan arimaha gudaha sidoo kale waxaa lafalanqeeyay xaalada gumaysiga madoow ee indhabeelka ah.

Intaa kadib waxaa laguda galay qodabadii shirka loogu talagalay oo ahaa runtii kuwo midho dhalinkara Waxaana shirka lagasoo saaray go’aamo waxku ool ah
Waxayna xubnuhu iswaydaarsadeen afkaar aad u wanaagsan waxaana qodobada kamid ahaa aqoon korodhsi iyo su,aalo xubnaha dhaxdoodu iswaydiinayeen.

gabagabadii  shirka ayaa kusoo dhamaaday
Guuul wuxuuna shirku
sooxidhmay abaarihii 12:00am ee wakhtiga Dhadhaab.

Abdullahi yare
ONA
IFO Dhadhaab.

image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay