Hogaamiyaha dalka Jarmalka haweenayda lagu magacaabo Angela Merkel oo booqasho kutagtay dalka Turkiga ayaa booqatay xeryaha qaxootiga ee ku yaal koonfurta dalka Turkiga.

Socdaalka Merkel ayaa diirada lagu saarayay arrimaha qaxootiga, iyadoo bishii Maarso heshiis ay wada saxiixdeen dalalka Midowga Yurub iyo Turkiga kuwaasoo ay ku heshiiyeen in la hakiyo qaxootiga faraha badan ee ka imaanaya dalka Suuriya.

Merkel ayaa goobaha ay booqatay waxaa kamid ahaa xerada qaxootiga Suuriya lagu hayo ee loo yaqaan Nizip, waxayna sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in xeryo barakacayaal laga sameeyo gudaha wadanka Suuriya deegaanada nabada ah, si shacabkaasi dalkooda loogu hayo.

Merkel oo Kulan layeelatay Raysalwasaaraha Turkiga Ahmet Daa’uud Ooglo ayaa kawada hadlay hirgelinta heshiiskii horey u dhexmaray, wuxuuna Raysalwasaaraha Turkiga sheegay in heshiiskii ay lagaleen Midowga Yurub uu hada wax badan ka bedalay tiradii badneyd ee qaxootiga u gudbayey dhanka Yurub.

Wuxuu sheegay Raysalwasaare Daa’uud Ooglo in kahor dhaqan gelinta heshiiskan ay maalin walba dad ka badan 6000 qof ay u gudbi jireen dhinaca bada dalka Giriiga, balse hada tiradaasi ay noqotay 130 qof maalintii taasi oo muujineysa hoos u dhaca ku yimid qaxootiga gaaraya dhanka Yurub.

Turkiga oo xaduuda uu la leeyahay Suuriya xidhay ayaa hada sheegay inuu u ogolaan doono dalkooda inay soo galaan kaliya dadka dhaawacyada qaba ee ka imaanaya Suuriya, dowladaasi Turkiga ayaa wadankeeda weli ku heysa qaxooti gaaraya 2.7 milyan qaxooti reer Suuriya ah.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay