War naga soo gaadhay  Wasaarada Gaashandhiga ee Itoobiya  ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay  laba saraakiil  oo sare ka tirsanaa ciidanka Itoobiya.

Saraakiishan sare ee la xidhay ayaa magacyadooda la kala yidhaahdaa Kornel Marage & Kornel Dharge oo in badan ka mid ahaa hoggaaminta ciidamada Itoobiya.

Saraaliishan la xidhay ayaa looga shakiyay in ay xogo muhiim ah u gudbiyeen ururada la dagaalama taliska TPLF & Shacabka kacdoonka wada.

Xidhaygan  saraakiishan sate ciidanka Itoobiya la xidhay ayaa waxaa sabab u ah kala shaki & isaminaad la’aan ay ka dhex jiro dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidamada Itoobiya.

Xidhxidhka & baxsiga saraakiisha , ciidamada & Siyaasiyiinta Itoobiya ayaa maalinba maalinta ka sii danbaysa sii badanaya, maadama kala shaki & looltan xukun u ka dhex jiro xukumada Itoobiya.

Kacdoonka shacbka ee qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya ka socda & dagaalada ka socda gobolada Itoobiya ee ay jabhadaha hubaysani ay wadaan ayaa waxay kor u qaaday kala shakiga baryahanba ka dhex taagan xukuumada Woyanaha.

Kala soco ONA wararka ka soo kordha.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay