Jaaliyada soomaalida ogaadeeniya ee magaalada Edmonton ayaa maalinimadii axada isugu timid shirkeedii bilaha ahaa ,waxaa shirka goob joog ahaa Dr cibaado xirsi oo ka mid ah masuuliyiinta ugu sareysa Jwxo ,isuduwaha jaaliyadaha Canada mudane c/xakiim maxamed weli,masuuliyiin kale oo golaha dhexe ah ,dhamaan xubnaha iyo hawlwadeenada Jwxo ee jaaliyada .

Waxaa shirka Lagu furay wacdi diini ah oo aad u qiimo badnaa ajar iyo xasanaad ilaahay ha ka siiyo sheekhii wacdigaa soo jeediyey.

Gudoomiyaha jaaliyada Edmonton halgame c/ naasir m caydiid( Galaal) ayaa halkaa khudbad aad u qiimo badan ka soo jeediyey wuxuu aad uga hadlay abaabulka shacbiga reer ogaadeeniya ee magaalada Edmonton ,wuxuu kaloo soo ban dhigay qorshe shaqeedkii maamulka cusub ee jaaliyadu uu ku hawl gali lahaa sanadkan iyo arimo kale oo fara badan.

Waxaa Lagu soo dhaweeyey madashii shirka Dr cibaado xirsi mahad waxayna halkaa ka soo jeedisay khudbad xaasaasi ah oo kala warqaadasho iyo warbixinba isugu jirtay waxay aad uga hadashay xaalada dhabta ah ee ogaadeeniya ku sugan tahay,jaahwareerka gumaysigu ku jiro,isbahaysiga cusub ee PAFD ee Jwxo xubinta ka noqotay ,duulaanka cusub ee khayraadka ogaadeeniya Lagu soo hayo ee ay u horeeyaan dawlada shiinaha,calooshood u shaqaystayaasha horgalaha cadowga u ah ,gumaysiga tigreega ah iyo ismaaciil cumar geelaha jabuuti,iyadoo la og yahay in qorshe cusub ku soo wajahan yahay shidaalka ogaadeeniya jwxona u diyaar garoobayso sidii ay u fashilin lahayd qorshahaas Dr cibaado waxay xubnaha u sheegatay in ay u diyaar garoobaan sidii ay u difaacan lahaayeen khayraadkooda hadii ay noqon lahay qalin ama awood kaleba iyo in ay dhamaan shacbiga soomaaliyeed ee ogaadeeniya iska leh gaadhsiiyaan fariintaa dhiilada ah.

Waxaa hadalka Lagu soo dhaweeyey isuduwaha jaaliyadaha Canada mudane c/.xakiim maxamed wali wuxuuna halkaa ka war bixiyey dhamaan jaaliyadaha Canada wax qabadkooda iyo sida wanaagsan ee ay u dadaalayaan,wuxuu kaloo halkaa ka akhriyey wareegtadii uu dhawaan soo saaray gudoomiyaha Jwxo admiral maxamed cumar cusmaan oo ahayd fariin ku socota hawlwadeenada iyo shacbiga soomaalida ogaadeeniya.

Waqti dheer waxaa halkaa la isku waydaarsaday dood iyo su’aalo runtiina si fiican la isugu jawaabay wuxuuna shirkaas oo ahmiyad weyn ulahaa xubnaha iyo hawlwadeenada ku soo dhamaaday jawi aad u fiican.

ONA , Canada,

Cabdiraxmaan Sheekh,

image image image image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay