wararka ka imaanaya gudaha wadanka Ogadenia
ayaa sheegaya tacadiyo
kala duwan oo ciidanka gumaysigu ku hayaan
dadka shacabka ah ee ku
dhaqan guud ahaan wadanka ogadenia.

warkan oo aan kahelay wariyaha ONA uga soo
warama wadanka ogadenia
ayaa intaas kudaraya in ay ciidanka cadawgu
sare uqaadeen
dhibaatayntii shacabka ay ku hayeen waxayna
ciidanka wayaanahu qaadeen
guluf ay dadka shacabka ah hantidooda kula
wareegayaan iyagana xabsiga
utaxaabayaan, howlgaladii ugu dambeeyay ee
shacabka S.ogadenia lagu
Dhibaateeyay ayaa udhacay sidan.

23/4/16 Dagmada Birqod ee Gobolka Jarar waxay
ciidanka gumaysigu
xidhay iyo jidh dil isugu dareen dad shacab ah oo
aad ubadan waxaana
magacyadooda helay
1 shaafi rashiid muxumad
2 cabdulaahi ibraahin yacquub
3 shugri cabdi dayl
4 ikraan ow aadan
5 ruqiya sayid
6 kiin axmad gadhle.

23/4/16 Dagmada Jigjiga ee xarunta Gobolka
Faafan Waxay ciidanka
gumaysigu xidhay iyo dhac isugu dareen
xawaalad lay iyo ganacsato
badan waxaana kamid ah dadka ay hantidooda
lawareegeen xabsigana
dhigeen
1 axmad cumar oo xawaalada Towfiiq wakiil u
ahaa
2 Dhimbil oo xawaalad uu joogay lagala wareegay
3 Mustafe oo xawaalada Bakaal wakiil u ahaa.

24/4/16 Dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka
Doollo waxay ciidanka
cadawgu xidhay iyo dhac ugu gaysteen
1 deeq xassan gaas oo 1 bakhaar lagala
wareegay
2 siraaje cismaan muuse oo xawaalad uu joogay
ay haltidii kadaldasheen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay