Wararka naga soo magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan ayaa sheegaya dhibaatooyin cusub oo lasoo darsay dadka maxaabiista ah ee ku jira Jeel-ogaadeen.

Warkan oo xaqiiqadiisa aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegaya in maxaabiistu ay cuntada kasoomeen kadib markii dilka iyo jidhdil ku uu noqday mid maalinba maalinta ka danbaysa kasii daraya waxayna dhibanayaashu go’aansadeen in ay qumaati udhintaan marhadayna nolol karajo qabin.

Guriga iqaabta ee Jeel-ogaadeen looyaqaano waxaa ciidanka wayaanaha lahayste ugu ah kumanaan kamid ah bulshada ree Ogadeniya oo isugu jira Rag iyo Dumar waxaana kamid ah ciyaal xabsiga kudhashay iyo kuwa iyagoo umusha lagula jiro soogalay, sidookale waxaa xabsiga kujira dad waayeel ah oo qaarkood Indhaha beeleen sanado badan oo bilaa maxkamad ahna dhex yuurura xabsiga.

Guud ahaan dadka maxaabiista ah ayaa joogto looga dhigay iqaabnooca ugu dambaysa oo qof bini’aadam ah lamarin karo.

Dhinaca kale waxaa xabsiga caadi ka noqotay kufsiga oo si khayrul caadi ah dumarka loogu gaysto Waxaana xabsiga buuxdhaafiyay gabdhihii ku uuraystay ee ku dhalay.

Sikastaba ha ahaatee conto soomidan ay maxaabiistu cuntada joojiyeen ayaan wax rajo ah laga qabin in ay dhibka yarayn doonto

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay