Shirweynihii labaad ee Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaliyeed (ITUSS) oo Maalintii shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayna kaso qeyb galeen ergo ka kala socday ururada xubnaha ka ah Isu Tagga ururweynaha shaqaalaha Soomaliyeed ayaa maanta lagu doortay Gudoomiyaha Ururkaasi.

Shirka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qaar kamid ah ururada bulshada rayidka sido kale waxaa ku sugnaa madasha shirka agaasimaha Wasaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada dowladda Federalka Soomaaliye Maxamed Cade Muqtar iyo Agasimaha Waaxda Shaqada iyo shaqalaha C/risaq macalin cilmi waxa kalo jogay gudiga arimaha bulshada ee Baarlamaanka oo uu hogaminayay Xildhiban Cabdulaahi Abshirow oo ah xoghayaha arimaha bulshada Barlamanka waxaa sido kale munasabada jogay xoghayaha gudiga Cadalada Barlamanka Xildhiban Maxamed Amiin iyo xoghayaha gudiga maliyada barlamanka xildhiban Cisman Xaji Cali iyo xildhiban Ibrahim Deyfulah oo ah xoghayaha gudiga dib u eegista dastuurka iyo xidhiban Axmed cumar islow.

Furitaanka shirka maanta kadib waxaa la guda galay doorashada hogaanka ururka Shaqaalaha iyadoo gudomiyaha gudiga doorashada Xassan jimcaale sheegay xubnaha Isku soo Taggay gudoomiyaha iyo xoghayaha ururka isago shegay in Maxamed Cismaan Xaaji Cali oo ahaa gudomiyihi xilka ka dhamaday iyo Abuukar Salaad Xassan utaganyihiin gudoominimada ururka shaqaalaha halka xoghayaha ururka isagana ay u sharaxnaayeen laba xubnood oo kala ah Axmed Xasan Cumar iyo Aweys C/raxman C/llahi gudomiyaha gudiga ayaa intaas ku daray in ergada codeyn doona ay yihiin boqol iyo labaatan xubnood waxaana meesha la dhigay sanduuqa codbixinta wuxuuna intaas raaciyay in xubnaha kale golaha fulinta codeentoda noqon doonto gacan taag.

Codbixinta kadib waxaa la guda galay tirinta codadka iyadoo gudoomiyaha gudiga dorashada uu ku dhawaqay natiijada codbixinta waxayna musharixintii utagneed gudoomiyaha kala helen sidan Maxamed Cisman Xaji Cali oo helay 98 cod halka musharax Abuukar Salaad Xasan uu helay18 cod sadax codna way halowday, waxana sidaas gudoomiyaha shaqaalaha loogu doortay Maxamd Cisman Xaaji Cali,halka musharixintii u taagneed xoghayaha uu mid kamid ah musharixinta tanazulay sidasna gacan taag logu codeyay Axmed xasan cumar.

Gudoomiyaha la doortay Maxamed Cisman Xaaji Cali oo hadal kooban ka jeediyay ayaa ku guubabiyay shaqaalaha in la dhowro wadajirka shaqalaha Soomaaliyeed, wuxuna intaas ku daray in shaqaalaha Soomaaliyeed ay kor u qaadan wax soo saarka kala duwan si meesha looga saaro ku tiirsanaanta shisheye isagona Dowladda ugu baaqay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Waxaa isna mesha ka hadlay xoghaye guud ee guulestay Axmed Xasan Cumar oo isna shegay inuu ku faraxsanyahay doorashada loo doortay xilkan wuxuna balan qaday inuu hormarin doono shaqaalaha Soomaaliyeed isla markana la dagalami doono dadka dibadaha kula warega magac shaqalaha isagona shaqaalaha Somaaliyeed ku tilmaamay kuwa ka mira dhalin kara waxa ay tiigsanayan.

waxa sido kale munasabada dorashada ka hadlay Garyaqanka guud ee Qaran Cisman Cilmi Guuleed oo shegay in shaqaalaha Soomaliyeed ay ka madax bananyihin dowladda ayna yihin shaqaale xor ah.

Dhanka kale waxaa isna mesha ka hadlay xoghayaha gudiga cadaalada BarlamaAnka Xildhiban Maxamed Amiin isago u hambalyeyay gudomiyaha iyo xogahaya la doortay isago shegay iney muhim tahay in dasturka qabyada ah lagu daro sharciyada shaqalaha isago tilmamay ineysan ku filnen inta hada ku jirto

Waxana gababadi shirka ka hadlay xoghaya arimaha bulshada Baarlaamanka Xildhiban C/llahi Cumar Abshirow wuxna tilmamay iney arkeen doorasho xalaal ah isla markana ku dhacday si wanagsan isago ugu baqay in dhaliyarada ay ka qayb qaatan siyaasada dalka wuxuna intas raaciyay iney si dhaw ula shaqeyn donaan Isu Tagga Urur Weynaha Shaqalaha Soomaaliyeed.

shaqshaqa 2

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay