War deg deg ah oo hadda soo gaadhay war qabadka ONA ayaa sheegaya in Ciidan aad u tiro badan oo Itoobiyaan oo lagu dilay Waqooyiga Itoobiya.

Warkan ayaa waxa u ka soo baxay mar u shir la yeeshay taliyaha sahanka ee qaybta ciimada Waqooyiga Itoobiya oo u sheegay ciidamada ka tirsan qaybtaas in laga layayey ciidamo aad u tiro badan oo u khasaare la xaad lehi u soo gaadhay qaar kalena ay ka baxsadeen goobtii dagaalka oo ay jabhahada Ginbot 7 Arbanyoj isu dhiibeen.

Warbixintu waxay intaas  kale oy ku dartay in dagaal xoogan oo khasaare laxaad leh gaystay uu kadhacay Gobolka Axmaarada gar ahaan zoonka Gonder. Dagaalkan ayaa wuxuu dhexmaray xoogaga mucaaradka hubaysan ee Arbanyooj-ginbot 7 oo dhinac ah iyo Ciidanka  Gumaysiga Itoobiya.

Dagaallada udhexeeya Mucaaradka iyo Ciidanka Itoobiya ee Waqooyiga kasocda ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay si talantaalis ah ooga socday dhulkaas. Wararku waxay intaas kudarayaan in ciidanka Itoobiya khasaare laxaad leh uu kasoo gaadhay dagaaladaas kasocda Gobolka Axmaarada gaar ahaan zoneka Gonder.

Dhanka kale waxaa  Gobolka Tigrey kahawlgala oo waliba aad usii xoogaysanaya Jabhada Hubaysan ee Tigrey ga taasoo looyaqaano Tigrey People’s Democratic Movement (TPDM). Jabhadan ayaa kala gaabisay ciidamada wayaanaha ee kusugan waqooyiga Itoobiya.

Ciidankii Itoobiya oo maanta kala yaacay moraalkooduna u aad u liito  ayaa maanta wuxuu marayaa heer xeryihiisa aysan weerarku ka kala joogsanaynin. Baxsadkoodun uu maalnba maalinta ka sii danbaysa u sii badanayo.

kala soco ONA wixii kasoo kordha wararka Itoobiya.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay