wararka naga soo gaadhaya jiida hore ay kudagaalamayaan Ciidanka Qalabka sida ee xoraynta ogadenia iyo kuwa gumaysiga Ethiopia ayaa sheegaya dagaalo ciidanka wayaanaha lagaga dilay saraakiil iyo askar badan oo ciidanka gumaysiga ah.

warkan oo aan kahelay wariyaha ONA ee xarunta dhexe ee JWXO ayaa uqoraa sidan.

23/4/16 Jiirhawiye oo Dagmada Baabili ee Gobolka Faafan katirsan dagaal aad uculus oo ciidanka xooga dalka ogadenia iyo kuwa gumaysiga Ethiopia kudhexmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay inta lahubsaday 18 askari 30 kalana waa lagaga dhaawacay, dagaalkan oo ahaa mid saacado badan socday ayaa laga dareemay gobolada galbeed ee wadanka Ogadenia.

23/4/16 Daawadiid oo Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan dagaal Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa gumaysiga ee xooga kujooga dhulka Ogadenia halkaas ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay