Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Joe Biden ayaa Khamiistii booqasho aan horey loo shaacinin ku agay magaalada Baqdaad ee caasimada wadanka Ciraaq. Booqashada Mr. Biden ayaa ah tii ugu horaysay oo uu kutago dalkaasi kadib markii ay ciidamada Maraykanka iskaga baxeen wadanka Ciraaq sanadkii 2011.

Socdaalka Mr. Biden ayaa lasheegay inuu salka kuhayo xoojinta xidhiidhka labada dal, isla markaana arrimaha ugu muhiimsan ayaa ahaa xaalada amaanka iyo la dagaalanka kooxda Daacish (ISIS) oo weli gacanta ku heysa qeybo dalkaasi kamid ah.

Maraykanka ayaa ciidamo tababarayaal ah usoo diray dalka Ciraaq si ay ciidamada Dawlada Ciraaq gacan uga siiyaan duulaanka ay doonayaan inay ku xoreeyaan magaalo Madaxda labaad ee dalka Ciraaq ee Muusil oo ay heysato kooxda Daacish. Sidoo kale diyaaradaha Maraykanka ayaa dhanka cirka ka taageera kuwa dowlada Ciraaq.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay