Maalinimadii khamiista ahayd waxaa Shir muhiimad gaar ah u leh ururada qoomiyadaha kala duwan ee ku nool gobolka Alberta Lagu qabtay libareeriga ugu wayn magaalada Edmonton ee stantley Milner library.

Shirkan oo ahaa Shirkii dhaqaale abuurka ee madaxda qoomiyadaha kala duwan ee Alberta uga arinsanayeen sidii wax loogu qaban lahaa ama shaqo abuur loogu samaynayn lahaa qowmiyadaha kala duwan ama bulshadu isu dhex gali lahayd.

Shirkan waxaa kasoo qayb galay madaxda dawladaha oo kala ahaa heer dawlada dhexe (federal), dawlada gobolka Alberta, dawlada hoose ee magaalada Edmonton, ururada wadaniga ah (Native), kuwa Afrikaanka , ururada u adeega dhaqamada kala duwan.

Dr. Cibaado xirsi mahad oo ah xubin sare oo ka tirsan Jwxo,  gudoomiyaha jaaliyada Edmonton mudane C/nasir ( Galaal) iyo madax xafiiska OSCAR cabdi cali ( c/raage)

Munaasabadan waxaa soo qaban qaabisay jaaliyada soomaalida ogaadeeniya ee gobolka Alberta afka qalaadna Lagu yiraahdo Ogaden Somaali Community Of Alberta Residents (OSCAR) xafiiskeeda ay magaalada Edmonton ku leedahay waxaana si aad u qurux badan u daadihinayey aqoon yahanka soomaalida ogaadeeniya mudane Axmedyasiin jaamac qaasim ,waxaana goobtaa ku sugnayd warbaahinta ogaadeeniya ee ka hawl gasha wadanka kanada.

Waxaa goob joog ahaa hadalo aad u qiimo badana halkaa ka kasoo jeediyey wasiirka xidhiidhka arimaha wadaniga Alberta Richard Feehan ,mudanaha laga soo doorto Edmonton Griesbach MP Kerry Diotte,MLA Edmonton centre David Shepherd,Scott Mckeen ward 6 city councillor ,Mahindara Banga ward 12 city councillor ,Bashir Ahmed African communities,SheldonHughes and Aretha Greatrix- wichitowin Circle of shared Responsibilty and stewardship,Diana Kim -for good iyo Lewis Cardinal-Cardinal strategies.

Waqti aad u dheer ayaa koox koox looga doodayey sidii dhibaatada shaqo la’aanta ,kala sooca midabka dhinaca shaqada,yaraynta dambiyada,kor u qadiyada dhinaca aqoonta bulshada dhaqaalaheedu hooseeyo ,qodobadaa iyo kuwa kale oo aad u badan ayaa halkaa Lagu soo bandhigay,kadibna koox koox ayaa halkaa looga akhriyey ,koox walibana warbixin ayey ka soo saartay.

Runtii waxaa halkaa ka soo baxay warbixin heer sare ah oo dadka wax loogu qaban doono waxayna qaarkood codsadeen in hawshan oo kale bishii ama 6 dii bilood mar loo qabto oo OSCAR ay qabato.

Waxaa shirka soo gunaanaday wasiirka xidhiidhka wadaniga ee dawlada Alberta Richard Feehan.

ONA, Cabfiraxmaan Sheekh, Canada

image image image image image

image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay