Taxanaha taariikhdii gumaysi ee Africa iyo ree Yurub (Qaybtii 3aad)

Mudo markii laga soo wareegay shirkii qaybinta afrika ayuu boqorkii biljam dhulka maanta loo yaqaan kongo ka samaystay saldhig si uu goobtaas maamul uu isagu leeyahay uga sameeyo, inkastoo uu qorshahaas hirgaliyay hadana waxaa jiray faransiiska oo qayb dhulkaas kamida ku andacooday markii danbana helay waqooyiga koongo, dadkii Afrikanka ahaa ee kunoolaa dhulkii boqorkaasu qabsaday waxay kala kulmeen xukunkii boqorka oo lagu tilmaamay mid amar ku taaglayn ahaa dhibaatooyin badan oo ay kamid ahaayeen canshuur xad dhaaf ahayd oo lagusoo rogay dadkii tuulooyinka ku noolaa.

Maamulkaas marka laga tago waxa kaloo jiray Ingiriiska iyo Faransiiska oo iyaguna dhulal badan saldhigyo kulahaa, Ingiriisku wuxuu markii hore qabsaday waadigii nayjar iyo dhulal kale oo ay daganaayeen beeralay dutch ahaa, markii danbana beera falatadaas iyo ingiriiska waxa dhex maray dagaal wayn (sanadkii 1899), waxaana laga guulaystay beera falatadii kadibna dhul uu halkaas ingiriisku ka qabsaday iyo dhulal kale oo ka ag dhowaaba wuxuu ku magacaabay dhulkii midnimada afrikada koonfureed sanadkii 1910 kii.

Sanadkii 1914kii markii uu bilaamidoono dagaalkii koowaad, ingiriisku wuxuu haystay dhulkii ugu badnaa qaarada afrika waxaana kamid ahaa dhulkaas kanaalkii Suez Masar, Suudaan, Ugaandha, Afrikada barri (kiinya, waqooyiga Soomaliya) dhulkii roodhiishiya iyo siiraliyoon, dalalkii kale ee reer yurub ee dhulalka africa haystay waxaa kamid ahaa Fransiiska, Isbayn, Jarmalka, Talyaaniga, Boortaqiiska.

Faransiisku wuxuu haystay Tuuniisiya, Aljeeriya, Marooko, Sinigaal, Madagaskar, Xeebta gunia, Jabuuti iyo meelo kamid ah badhaha iyo Afrikada galbeed, isbayn iyaduna waxay qabsatay qayb maroko kamid ah, jasiiradii kanary, talyaaniga oo ayidsanaa sheegashadii Faransiiska ee marooko ayaa kasoo horjeeday in isbayn ama jarmalku halkaa qabsado hayeeshee dhulka talyaanigu haystay waxaa kamid ahaa Eratariya, Somalia iyo Itoobiya oo markii dambe uu ku guul daraystay, Jarmalka oo tartankii dhulgumaysiga soo galay xiliyadii u dambaysay ee dagaalkii koowaad soo dhowaa wuxuu helay meelo kamid ah koonfurta galbeed ee afrika ayna ka mid ahaayeen Kamaroon (qayb) Toogolaand, dhinaca barina taanganiika laakiin gaashaan buurtii kaga guulaystay dagaalkii koowaad baa shuruudo adadag kusoo rogay jarmalka.

Boortaqiiska oo kamid ahaa wadamadii afrika usoo hor galay wuxuu kamid ahaa wadamadii looga badiyay tartankaas xoogiisii sidaas darteed wuxuu ku tuntuunsaday Angoola iyo muusambiig, qaaradii afrika waxay noqotay meel si toos ah ay gacanta ugu dhigeen gumaystayaashii reer yurub, waxayna ka dhigteen meel khayraadkana ay ka qaataan saylad na u ah oo ay u iib keeni jireen waxyaabaha warshadohoogu soo saaraan, laba wadanbaa la tilmaamaa inay gumaysigaas ka badbaadeen waa laybeeriya iyo itoobiya oo mudo yar la gumaystay markii danbana xor ahayd, laakiin waxay ahayd uun in yar kadib dagaalkii labaad markii ay wadamadaasu tuureen heeryadii gumaysiga.

Lasocda qaybta 4aad ee qormadan taariikheed insha allaah.

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay