Shalay oo Sabti ahayd waxaa warbixin dheer soo saaray Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduuda Lahayn ee Aduunka, Ururka ayaa warbixintiisa kuxusay wadamada aan saxaafada tixgalinin iyo kuwa ugu darajada hooseeya marka laga hadlayo xorriyatul qawlka.

Ururka ayaa wadankaItoobiya kusheegay in uu kamid yahay kuwa ugu liita dhinaca saxaafada iyo xoriyada hadalka wuxuuna ururku xusay in ay xabsiyada wadanka Itoobiya kujiraan suxufiyiin badan oo local ah iyo kuwo caalami ahba, sidoo kale warbixinta ayaa xustay in dalka Itoobiya ka carareen suxufiyiin aad u badan kadib markay lakulmeen caga juglayn iyo cadaadis laxidhiidha shaqadooda wariyenimo waxayna suxufiyiintu door bideen in ay wadanka dibada uga yaacaan.

Sidoo kale Warbixintan ayaa tilmaantay in aysan jirin warbaahin ama wariye loo ogolyahay in ay gudaha wadanka kashaqeeyaan waxayna warbixintu xustay in ay jiraan banaan baxyo rabshado wata oo wadankaas hadheeyay kuwaas oo xukuumadu ay doonayso in ay aduunka intiisa kale ka qariso,

Ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ayaa xusay in wadanka Ogadenia ee Itoobiya ay maamusho uu kamid yahay meelaha aan saxaafada iyo hay’adaha caalamiga ah loo ogolayn inay booqdaan ama wax kaqoraan mana jiro wax saxaafad madaxbanaan ah oo mudo 22-sano kabadan tagtay wadanka Ogadenya ooy kunool yihiin 8 milyan oo shacab ah oo dhibaatooyin kala duwan ay ku hayso Itoobiya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in wadanka Ogadenia lagu xidhay wariyayaal wadanka tagay si ay u ogaadaan dhibaatooyinka laqarinayo ee keenay in saxaafada laga mamnuuco wadanka ogadenia.

Sikastaba ha ahaatee xukuumadihii is xigxigay ee soomaray talada Itoobiya ayaa caado iyo dhaqanba ka dhigtay cadaadiska saxaafada iyo hay’adaha caalimiga ah iyo kuwa deegaanka ee looyaqaano local NGO’S waxayna Itoobiya uga danleedahay cabudhinta shucuubta ku hoosnool oo aysan doonaynin in dhibaatadoodu dibada ubaxdo.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay