Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid, ayaa u gudbiyey Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Hannaanka guud ee Geeddi Socodka Doorashada 2016.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo Khudbad ka jeediyay kulanka Baarlamaanka ayaa sharaxaad ka bixiyay hannaankan doorasho ee ay Xukuumaddu soo gudbisay, waxaana uu sheegay in hanaankani wadatashi guud ay ka sameeyeen Dawladda Soomaaliya iyo Maamullada dalka, isagoo ka codsaday Golaha Shacabka in ay ansixiyaan Hannaankan si ay u qabsoonto doorashadu waqtigii loogu talagalay.

“Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka, iyagoo eegaya duruufaha kajira dalka, waqtiga oo gabaabsi ah iyo howsha baaxadda leh ee dhiman in aad ansixisaan hanaanka doorasho ee lagu keenay wada xaajood Siyaasadeed oo ku salaysnaa go’aan wadar ogol ah ooy qaateen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah”.ayuu yidhi Ra’iisul-Wasaare Cumar.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka codsaday golaha shacabka inay soo akhriyaan qorshahan, maalinta Isniinta ah ee soo socotana lasii ambaqaadi doono go’aanka ka gaarista qorshaha guud ee hannaanka Doorasho ee 2016.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay