Ugu yaraan todobaatan tahriibayaal ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen badda Liibiya, xilli ay doonayeen in ay gaadhaan qaaradda Yurub. Warbaahinta wadanka Talyaaniga oo soo xiganeysa ilaalada xeebaha dalkaasi, ayaa sheegtay in 26 muhaajiriin ah la badbaadiyay ka dib markii ay doontii ay saaraayeen ay degtay.

Waxaa larumeysan yahay in doontaasi ay saarnaayeen ku dhawaad boqol qof, waxaana ay ku degtay meel 4-mayl u jirta xeebta magaalada Sabrata ee wadanka Liibiya. Badda Liibiya ayaa noqotay marinka ugu wayn ee muhaajiriinta u socota Yurub ay maraan, ka dib markii ay Turkiga iyo Midowga Yurub ku heshiiyeen joojinta tahriibayaasha mara badda Aegean.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay