Waxaa maalintii shalay ahayd oo ay taariikhdu ku beegneed 30/04/2016 Isugu yimid shir balaadhan oo si heer sare ah loosoo abaabulay Jaaliyada Somalida Ogadenia ee Greater Manchester iyo Jaaliyada Oramia.

Shirkan oo ay Jaaliyaadka Ogadenya iyo Oromiya ay ku taageerayeen Isbahaysiga Jabhadaha Xoriyadoonka ah ee uu shirwaynahoodii koobaad lagu qabtay magaalada Asmara ee dalka Eritea ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin labada Qoomiyadood ka kala socday, dadwayne aad ubadan oo kakala socday labada Jaaliyadood iyo marti sharaf lagu marti qaaday.

Kulankan ayaa waxaa khudbado kala wudan ka soo jeediyay Mudane Mahamed Ali iyo Mudane Saalah Siraaje oo kakala socday labada qoomiyadood, waxaa sidoo kale warbixino kala Duwan ka soo jeediyay madaxda Jaaliyadaha Oramia iyo Ogadenya. sidoo kale waxaa hadalo mihiim ah oo tilmaamayay iskaashiga iyo in la adkeeyo midnimada iyo wada jirka, ka soo jeediyay wax garadka iyo Aqoonyahanada labada dhinac ee shirka kasoo qayb galay.

Shirkan ayaa waxaa saldhig u ahaa Taageerada Isbahaysiga PAFD iyo iskaashiga labada qoomiyadood ee xornimadoonka. Shirka ayaa lagu adkeeyay in meel looga soo wada jeedsado gumaysiga doolka ah ee Xukuumada wayaanaha. Ugu danbayntii shirkan ayaa ku soo gabagaboobay jawi farxadeed iyo guul.

13090111_1138818989511815_196142320_n 13091789_1138818419511872_711143878_o 13101572_1138818506178530_166042464_n 13106608_1138819036178477_2010853827_o 13112466_1138818522845195_2103973480_o (1) 13112466_1138818522845195_2103973480_o 13112637_1138818412845206_2090149052_o 13140694_1138818902845157_667990953_n 13140842_1138818866178494_955451664_n 13140964_1138818896178491_1603351487_n 13148353_1138818816178499_1013040633_o

ONA Greater Manchester

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay