Waxaa maalmahan arimo shaqo ku joogay caasimada wadanka Sweden ee Stockholm hogaanka arimaha dibade ee jabhada wadaniga xoreynta ogadenia mudane abdirahman sheik mahdi. Hogaanka ayaa wuxuu ka qayb galay shirar kale duwan oo muda afar maalmood ah ka socday magaalada stockholm oo uu lalahaa ururka ay ku midoobeen dadyowga aan dawladaha lahayn iyo baarlamaanka sweden.

Hogaanka ayaa wuxuu xafiiska jaaliyada somaalida ogadenia ee magaalada Stockholm kulan kula yeeshay xubnaha jaaliyada. Ujeedada shirka uu la yeeshay xubnaha jaaliyada ayaa ahayd sidii uu xubanaha jaaliyada warbixin uga siinlahaa waxyaabihii uga qabsoomay shrirarkii uu la yeeshay ururka UNPO iyo baarlamaanka Sweden.

Hogaanka arimaha dibada ayaa jaaliyaada ogadenia Sweden uga warbixiyaay afartii maalin ugu dambaysay uga qayb galay shirar ku saabsana ururka UNPO Iyo barlaamnka wadanka Sweden sidoo kale hogaanka ayaa warbixin dheeeli tiran ka bixiyaay is bahaysiga PAFD iyo Qodobada wada gaadhen.

Xubnaha jaaliyada Sweden ayaa Hogaanka su aal badan ku waydiyaay xaalada Halganka ogadenia iyo gaar ahaan dhanka arimaha dibada uu isagu masuul ka yahay shirkan oo mihiimad gooni ah u malaha xubnaha shirka joogay.

Hogaanka arimaha dibada Dr maadeey oo kula dardaarmay xubnihii meesha joogay inay dadaal dheeriya ku bixiyaan shaqada halganka iyo tageeera buuxda oo lala garab istaago ciidanka qalabka sida ee JWXO

Gabgabadii shirka ayaa ku dhamaaday xubnihii oo jawiga ayaa u maqsuuden iyo ku qanacsanaan dhamaystiran ku soo gabgaboobay.

IMG_0705IMG_0698IMG_0701IMG_0702IMG_0700IMG_0682IMG_0699IMG_0685

By Heegan

ONA Sweden

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay