Ciidanka Amaanka ee wadanka Ciraaq ayaa lawareegay Xarunta Baarlamaanka ooy Sabtidii xoog ku galeen kumanaan taageerayaasha Wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadar kuwaasi oo muddo dheer ku mudaharaadayey xukuumada. Dowlada ayaa sheegtay in laxidhi doono qofkii lagu arko xarumaha dowlada, iyadoo ay ciidamada ku guulaysteen inay dib uga saaraan deegaanka looyaqaan Green Zone dadkii halkaasi xooga kusoo galay.

Xiisadan ayaa soo socotay muddo bilo ah iyadoo wadaadka Muqatada Al-Sadar ku eedeenayey xukuumada mid musuqmaasuq ah, isla markaana lasoo dhiso xukuumad cusub. Balse isbedalkii uu Raysalwasaaraha Xayrad Al-Cabbaadi uu ku sameeyey xukuumadiisa ayaa caqabado kala kulmay Baarlamaanka oo diiday in lagarab maro awood qeybsiga nidaamka 4.5 ee dalkaasi ka jira. Waxayna xildhibaanada ku doodeen in si siman loogu qeybiyo awooda Shiicada, Sunnida, Kurdida, Kirishtaanka iyo Carabta kalee dalkaasi degen.

Sabtidii ayey magaalada Baqdaad isaga carareen in ka badan 150 Xildhibaan oo u badan Sunni iyo Kurdi kuwaasi oo u baxsaday dhanka ismaamulka Kurdida ee waqooyiga Ciraaq kadib markii ay ka cabsadeen in dhibaato ay u gaystaan taageerayaasha shiicada Muqatada Al-Sadar ee xarunta Baarlamaanka xooga kugalay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay