Qayb  hordhac ah oo ka tirsan ciidamo Ingiriis (British) ah ayaa la sheegayaa in lageeyey dalka Soomaliya. Ciidankan ayaa taageeri doona sida laga soo xigtay dawlada Ingiriiska howgalka AMISOM ee Qaramada Midoobay ay taageerayso ee Somaliya kasocda. 10 askeri ayaa gaadhay magaalada Muqdisho, waxaana xigi doono, 70 kale sida ay dowlada Britain sheegtay.

Ciidankan ayaa AMSIOM ka caawin doona dhinaca caafimaadka, iyo taagero dhinca loojistikada ah ee loo baahan yahay. Xoghayaha gaashaandhiga ee Britain Micheal fallon ayaa sheegaya in ciidamada Britain ka socda ay ka caawin doonaan howgalka Soomaliya. Waxay sidoo kale gacan ka gaysan doonaan deganaanta dalka Soomaliya iyo dagaalka lagula jiro xagjiriinta.

Waxaa xusid mudan inay wadanka Soomaliya ka hawlgalaan ciidamo Afrika kasocda oo nabad ilaaliyayaal ah balse weli ma dagano xaalada amaanka ee Soomaliya. Al-shabaab ayaa ah khatarta ugu wayn ee Soomaliya haatan kataagan, waxayna wadaan dagaalo iyo qaraxyo joogto ah oo xasilooni darri baahsan iyo waliba khalkhal farabadan ka gaystay amaanka wadanka Somaliya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay